28th March 2024  admin  Category :

Wadani iyo Kulmiye ma waxay heshiis ku yihiin burburka Saldandda Maakhir.

Xisbiyada beelaha Isaaq ee Kulmiye iyo  Wadani ee ka jira Hargaysa,  ayaa arin kasta oo dhexdooda ah isku khilaafsan oo aan haba yaraatee wax  heshiis iyo wada hadal lahayn . Laakiinse  waxa jirta arin ay   Xisbiyada Kulmiye iyo wadani ay heshiis   ku yihiin oo ay ka wada shaqeeyaan. Taas  oo ah sidii ay u burburin lahaayeen Saldanada ugu d’ada weyn geeska Afrika iyo Bariga dhexe oo ay isaga danbeeyeen hogaankeeda  Garaad Cali dable, Garaad Cabdale iyo Garaad Maxamuud Cali Shire.

Madaxda beelaha Isaaq ayaa Sodonkii sano ee  ugu danbaysay ku hayey saldanada Maakhir  dagaal dhinac siyaasadeed ah, isku day dil, dagaal aan gabasho lahayn iyo weerar joogto ah.

Dhowrkii  qarni ee  Saldanadda  Maakhir ka soo talinaysay Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya labo arimood oo maanta Suldaanka joogaa uu raali ka yahay oo uu  sababteeda lahaa horay ugama dhicin Saldanada .  Arin kale oo ay gaar u lahayd  Saldanada  Maakhir intii ay yimaadeen  reer galbeedku dalka  Soomaaliya, ayaa iyaduna  maanta  gacanta ka baxday oo uu sababteeda leeyahay  Suldaanka Maakhir ee maanta jooga.

Labada arimood ee Garaadaddii iyo  Suldaanadii Maakhir soo wada maray ay ka wada sinaayeen,  ayaa tan kowaad waxay tahay in degaanada Maakhir uu mar walba ka talin jiray  taariikhdeeda hal Suldaan ama hal  Gaard oo qura oo aan lays dhex yaaci jirin. Maanta Isimada Maakhir waa badan yihiin sababteeda waxa leh Suldaanka maanta  jooga.

Arinta labaad Garaadaddi ama Suldaanadii soo maray  Saldanada Maakhir, hadduu ahaan lahaa Garaad Xamar gale oo Koonfurta Soomaaliya  ka talin jiray  ama Garaad Maxamuud Cali Shire oo ay  is hayeen dawladdi Ingiriiska ee  Caalamka ugu xooga weynayd, Midkoodna tanaasul uma samayn Saldanadiisa cid kalena uma daba fariisan arimaha saldanadiisa iyo sida ay u shaqaynayso. Maanta Habar Yoonis iyo habar jeclo ayaa Saldanaddi warsangeli marti uga  tahay degaankiisa.

Arinta kale ee  Saldanada Maakhir gaarka u lahayd, oo ay markii reer galbeedku  Soomaaliya yimaadeen ayna ogaadeen   awoodda ay Saldanadaas ku leedahay gudaha   Soomaaliya,  ayeey Suldaankii saldanada Maakhir waxay ugu yeereen “Sovereign of the House of North East of Somaliland Sultanate” and “Sultan of Sultans of Somaliland”. Maanta Muusi Biixi iyo Ciro midna ma ogola in derajadan loogu Yeero Suldaanka Warsangeli. Sababtuna waa Suldaanka maanta jooga oo saldanadiisii ka doortay Siyaasad kana leexday  jidkii ay awoowayaashiis isaga dhaxleen.

Ugu danbayntii Saldanadda Maakhir waa taariikh hodon oo qarniyo bada soo jirtay lagana  qoray  Buugag  badan, oo ay ka mid yihiin wixii   laga qoray  sidii ay canshuurta isaga ururin jireen qarniyo ka hor, habkii ay ciidamada badda iyo dhulka u samaysteen , Odayaashii Ardaa oo la talin jiray Suldaanka talada haya.  sidii ay nabdda ugula noolaayeen deriskooda Soomaaliyeed iyo dalka Yamen. Sida ay ula dhaqmi jireen dadka laga tirada badan yahay ama la haYb sooco  sida uu qoray badmareenkii  caanka ahaa  ee  Laasqoray yimid  200 sano ka hor. Hadaba maanta in aynu u wada istaagno sidii Saldanada Maakhir looga xorayn lahaa  SNM waa mid inoo wada taal dal joog iyo Qurba joogba. Sidoo kale Isimada is caleemo saaray waxay noqon doonaan kuwo loo isticmaalo burburka Saldanada Maakhir

Saldanada Maakhir

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*