26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamee Cabdi Waare ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa Madaxweynaha Hirshabelle iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaatigaduud.

Wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, waxaana ay leeyihiin shir gaar ah.

Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa shir ku leh Baydhabo, iyagoo uga hadlaya xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii heshiiskii Dhuusamareeb loo adkeyn lahaa.

Ujeedka saddexdan dowlad goboleed ayaa ah sidii ay uga soo horjeesan lahaayeen in wax laga bedelo heshiiska Shirkii Dhuusamareeb 3, isla markaana aanay waji gabax ula kulmi lahayn marka ay yimaadaan Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*