26th April 2024  admin  Category :

Fahad Yaasiin oo Taliye u magcaabay Taliyihii Wardiyaashiisa isaga ilaalin jirtay

Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa goor dhow magacaabay Taliyaha cusub ee Nabadsugida Gobolka Banaadir, kaddib markii bil ka hor xilka uu ka qaaday Taliyihii xilkaas hayay Ibraahim Macalin.

Agaasime Fahad Yaasiin ayaa xilka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir u magacaabay Yaasiin Farey oo ahaa Madaxii Ilaaladiisa gaarka ah.

Yaasiin Fareey oo ah nin dhalinyaro ayaa horay ula soo shaqeeyay Taliyeyaashi hore ee NISA soo maray, waxaana uu bedelaya Taliyihii KMG ee muddo bil xilkaas hayay Ciise Maxamed Ciise.

Taliska Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa ka mid ahaa talisyadii is bedelada ku dhacay sanadihii u dambeeyay, waxaana 3 sano u dambeeyay la bedelay illaa 3 Tali6e

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*