15th November 2025  admin  Category :

Waa tuma Ghazala Hashmi, haweeneydii ugu horreysay ee Muslimad ah ee barasaab ku xigeen ka noqota Mareykanka?

Musharraxa Dimuquraaddiga Zohran Mamdani ayaa guushii uu ka gaaray doorashada duqa magaalada New York waxay ahayd tii ugu caansaneyd, balse ma ahayn qofka kaliya ee Muslimka ah ee taariikhda sameeyay Talaadadii.

Haweeneyda ay isku xisbiga ka tirsa yihiin ee Ghazala Hashmi ayaa sidoo kale ku guuleysatey doorashada ku xigeenka guddoomiyaha gobolka, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay oo Muslim ah oo ku guuleysata doorashada gobolka oo dhan ka dhacday Mareykanka.

“Waxaan ku guuleysannay fursadaha ka jira dalkan,” ayay ku tiri khudbaddeeda guusha.

Hashmi waxa ay ka adkaatay John Reid oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, oo hore u ahaan jiray daadihiyaha bandhigga hadalka.

Hashmi
Qoraalka sawirka,Hashmi (dhexda) ayaa la tartameysay shan musharrax

Min barafasoor ilaa siyaasiyad

Hashmi waxa ay ku dhalatay gobolka Hyderabad ee dalka Hindiya sanadkii 1964-tii, Hashmi waxa ay u guureen Maraykanka iyada oo afar jir ah iyada iyo hooyadeed iyo walaalkeed.

Xayeysiin

Waxay degeen Georgia iyada iyo aabbaheed, oo bare ka ahaa Jaamacadda Koonfurta Georgia.

Waxay ku soo kortay xilli lagu jiray kala soocidda jinsiyadda ee dugsiyada dadweynaha. Waxay ka qalin jabisay dugsiga sare si sharaf leh ka hor intaysan galin Jaamacadda Georgia Southern University iyo Emory University ee Atlanta.

Ku dhawaad ​​30 sano ayay bare sare ka ahayd suugaanta iyo dawladnimada jaamacadda Virginia, ka hor intii aysan siyaasadda Trump ee dalalka Muslimka ah qaarkood ka mamnuucaysay in ay soo galaan Maraykanka ku dhiirigelin in ay isu sharraxdo madaxtinimada 2019ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*