27th April 2024  admin  Category :

M. Farmaajo oo amray IN Caruurtii la dayacay ay Muqdisho yimaadaan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Soomaaliya Mudane Xamse Saciid Xamse ku amray in ciyaaryahan Zayd Muse Ahmed Farah iyo ciyaartooyda kale ee looga tugay dalka Jabuuti kuma amray in ay yimaadaan Caasimada Muqdisho,waxaana Wasiir Xamse uu arintan ku tilmaamay wax lagu xumaado,isagoo xiriir la sameeyay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti Salaad Cali Jeele

Zayd Muse Ahmed Farah oo ka mid ahaa ciyaartooydii waxqabadka wanaagsan ku soo bandhigay ciyaartii Soomaaliya iyo Cuman ayaa ka timida wadanka Australia,waxaana muuqaal uu soo duubay lagu baraha bulshada,iyadoo madaxda dalka iyo Wasiirka ciyaaraha Soomaaliya ayaa arinta ku tilmaameen wax fool xumo ah oo aan fiicaan shacabka Soomaaliyeed.

Hoggaanka Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo wax lagu waydiiyay arintan ayaa been ku tilmaamay,iyagoo sheegay in ay tahay dayaacada lagu faafiyay baraha buslahda,balse ciyaaryahan Zayid ayaa soo duubay muuqaal si wen loog faafiyay baraha bulshada,iyadoo taageerayaasha Xulka Qaranka ay arintan ku tilmaameen ceeyb iyo wax laga xumaado.

Si kastaba guul daradii Xulka Qaranka Soomaaliya uu kala kulmay Cuman,Ciyaartooyda ka timid qrubaha ayaa si weyn u dhaliilay,iyagoo sheegay horoma la’aanta iyo guul darooyinka haysta Qaranka ay mas’uul ka yihiin madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*