28th March 2024  admin  Category :

Gawaaridii la sheegay inaan Sanaag la gayn karin oo maanta la qaybiyey.

Gawaariddii ay qaar ka mid ah madaxda gobolka Sanaag ay ka codsadeen wasaaradda arimaha gudaha Puntland inay wax ka siiyaan, si ay ugu shaqeeyaan bulshada gobolka Sanaaa, laakiinse loogu jawaabay Ha’yadd bixisay ma ogola la geeyo gobolka Sanaag ayaa maanta la qaybiyey, iyada oo laga war sugayo dawladda Federaalku waxay arintan ka ogtahay

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Abdiqfar Elmi Hange ayaa 7 gaari kuwareejiyey wasaaradaha kala ah wasaarada Biyaha, Wasaarada Deegaanka, isbadalka Cimilada, Wasaarada xanaanada Xoolaha iyo Wasaarada Qorshaynta ee Puntland

Baabuurtan waxa ay qayb kayihiin mashruuca Biyoole oo uu Maalgalinayo Bankiga Aduunku kaas oo ay fulinayaan Wasaaradaha kor kuxusan.

Munaasabada baabuur wareejinta waxaa goobjoog ahaa Wasiirada kala ah Wasiirka Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Ahmed Mohamed Yusuf Taaraan, Wasiirka Wasaarada Xanaanada xoolaha Said Osman, Wasiir kuxigeenka Wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Marwo Saynab Ismail Mohamed iyo Masuuliyiin kale.

https://allsanaag.com/ma-run-baa-in-gawaaridan-sanaag-la-gayn-karin/

4 thoughts on “Waa lagaga dhabeeyey inaan Sanaag la gayn karin

  1. Jirac

    Deni, madaxweyne maahan sida ii muuqata ee “Faroole” iyo Aaranjaan buu laheyste u yahay u adeega dadkale danahooda. Balan weeye inaan meel saarno hala dulqaato inta yar ee u harsan. Odagan Faroole ah iyo inankiisa yar ma caqlisan Miiyaa? cuqubada dadkooda inay deg gegto miyeysan ku cibriqaadan ileen qofku dulmiga u bartaa waalagu xashaashaa yaabay anigu ala dadkayagu dulqaad badanaa ilaahow na kala badbaadi. Deni waa EBER ZERO. Hal mashruuc ma fulin Mogadishu baa wax oga daateen. Waxay aheyd inuu iska tago Sanad kii hore haduu wax kala garanayo laakiin hada waxa haysata waxaa weeye “Madax muuqda iyo middi saawir ah lagama samro” waxaynu sugnaa waxa xigi doona. Walaahi inaan dib u soo eego dandooyinka Somalida waan ku qaldanaa dhiig kar iyo niyad jab bayba nagu rideen si loo toosiyana garanmeyno.

    Reply
  2. Ali

    Horta maanta awood ma uhaynaa in aan dhulkeenoo dhan ka kacsano shuftadad idoor iyo gudabiirsi ee isasoo bahaystay..siyaasada iyo hor umarka intaynu meel iska dhigno aynu dhulkan xoreyno oo ku xoreyno qabiil ahaan ama harti ahaan..

    Reply
  3. Oxland

    Puntland regions are included Sool, Sanaag, Bari, Nugaal, Karkaar, and Garda fuar regions, we all know the military drones has become game change of war. Now Puntland will obtain Military drones to distroy Allshabaab pockets in our regions Sool and Sanaag. This new military drones will bee a game change surely to control our border from Allshabaab.

    Reply

Leave a Reply to Oxland Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*