29th March 2024  admin  Category :

Musharxiinta ay horboodayaan Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif ayaa markii laga qeeyb gellin waayey shirarka dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada u dhaxeeyay ayaa waxeey ka soo dhaadhiciyeen Ahmed Madoobe iyo Deni in la dhiso madal loogu magac daray “Badbaado Qaran”, waxaana guddoomiye looga dhigay Cabdi Xaashi oo isagana kamid ahaa dadkii loo diiday inuu ka qeeyb gallo shirarka.

Hadaba, xubnaha meesha maraya dhammaantood waa dad la wada yaqaano, magaca ay  doonnaan hala soo baxaan. Badbaado qaran waa mid lagu doonayo in lagu sii abuuro carqalad ka dhan ah doorashada iyo in la siyaadiyo is qabqabsiga. Aaway heshiiskii septembee 19 iyo kii February ka dhacay Baydhabo ee la isku afgartay? Meesha wax weeyn oo la isku hayaa ma jirto, arimaha taagnaa waxeey ahaayeen arinta gobolka Gedo, guddigii ay dawladda magacwday iyo xubnaha waqooyiga. Arrimahan oo dhana waxaa heshiis looga soo gaaray shirkii Baydhabo.

Waxaan la soconaa in dawladdo shisheeye oo aan dooneey in Soomaaliya ay horey u socoto ay la soo hadlayeen Deni, Ahmed Madoobe, iyo musharixiinta, iyagoona ka dalbanaya in si fudud aysan doorasho ku aadin oo marka hore ay isku dayaan in markasta ay abuuraan carqalad si Farmaajo meesha looga ceeyriyo. Waxeey la yimaadeen:

Farmaajo ha iska tago;

Farmaajo madaxtooyada ha isaga soo baxo;

Waa nala summeenayaa;

Farmaajo sharci kuma joogo, laakiin kuwa kalle sida ra’iisa wasaaraha iyo baarlamaank iyagu waa sii joogi karaan;

Amnigeenaan u baqeeynaa xallane hanala dejillo ujeedkana uu yahay ku xummee Farmaajo;

Shaqada halaga ceeriyo wasiir hebel iyo sarkaal hebel;

Beesha caalamka halagu wareejiyo mas’uuliyadda shirka;

AMISOM amniga halagu wareejiyo iyo niicyo badano o kalle oo aan shaqo ku laheen doorashada ayaa nimanaa ka soo yeeray.

Si kastaba ha ahaato, maalmahaan oo idil waxa ay beesha caalamaka soo saareeysay qoraallo ku’aadan in doorasho la qabto, balse beesha caalamka waa in ay meel saartaan Deni, Axmed Madoobe, iyo mushariixta kale ee sida khaldan wax ku raadinaya. Ma xilli madal iyo sheeko baralleey la abuuro ayaa la joogaa? Meesha doorasho qabiil ayaa la qabanayaa, baarlamaankana waxeey codkooda siinayaan cidda lacag siisa waa sida ay tahay xaqiiqda, marka in waqtiga lagu lumiyo waxaan jirin waa mid aan shacabka Soomaaliyeed qaban.

Hadaba dawladda waxaa la gudboon in marnaba aysan meel la fariisato badbaado qaran xubnahan la baxay. Waxaa dhab ah in dalkan ay ka jirto dawlad iyo maamul goboleedyo, ayna tahay cida wadahadalka yeelaneeysaa dawladda iyo maamulada. Hadii Puntland iyo Jubaland aysan diyaar u aheeyn in ay soo fariistaan miiska wadahadlka, waa in dawladda loogu daraa muddo seddex sanno ah si ay u soo diyaariso doorasho qof iyo cod ah. Waxaana meesha ka baxaya is qabqasiga ay abuurayaa Puntland, Jubaland iyo musharixiinta oo iyagu ah dad dawladdo shisheeye ay ka dhex hadlayaan.

4 thoughts on “Waa Laga Dhex Hadlayaa

  1. jaamac

    Asc. Waxaan isleeyahay Qoraal kani waa marin habaabin maxaayeelay Farmaajo haduu Doorasho keenayo ama uu maamul goboleedyada la heshiinayo waqti kufilan xaafiiska waa joogay, dhinaca kale waxaa kamuuqata Qoraalka in si gaara loo haruufaya 2da Madaxwayne oo horay usoo shaqeeay hadana raba in ay sifo sharci ah wax ku raadsadaan , waxaa nasiib daro wayn ah in dadka qaar u qaataan in Farmaajo uu si gooniya talada wadanka u lee yahay , waxay kaloo waxmagaratadu ku hadaaqaan wadama shisheeye ayaa mucaaradja ka dhaxhadlaya , Farmaajo waaninka taladiisa shisheeyuhu Garab iyo Geedfadhi u yihiin . Ethiopia, Eritrea, Khadar, somaliya na wuxuu saaxiib kala yahay Guudlaawe, QoorQoor,Lafta Gareen, Markaad intaas oo dhan Dal iyo Dabad fiirisid waxaa kuusoo Baxaya in uu yahay nin aan laga filan karin in uu abuuro wax xigmad ah oo aan ka ahayn markale in aan argno dad soomaaliyeed oo kursi isku dilaya xiligaan , ilaahay isagaa talo kufilan,

    Reply
    1. Hassan Mohamed said

      Saaxiib waa kusalamay
      Dhibka uu kugu hayo joogida farmaajo xafiiska villa somaliya muxuu yahay?
      Waad ogtahy inuusan jirin nin isaga dhaama
      Aniga ka muwaadin ahaan waxaan qabaa in loo daayo FARMAAJO mudo yar

      Reply
  2. Haliye

    Farmaajo hadii Jubbaland uu rabo inuu xoog ku qabsado Puntland waa ku khasban tahay inay dhinac istaagto, bal eeg waxa ciidan lagu daabulayo diyaarado. Mideeda kale Farmaajo isaguba dawlado shisheeye oo dictators ah buu wataa Eritrea iyo Ethiopia, ninkii dagaal kula soo aada waad iska celin, reer Puntland iyo Jubbaland si weyn bay usoo dhoweeyeen Farmaajo laakiin isagaa rabin.

    Reply
  3. Majerteniaman

    Farmajo 4 sano ayuu haystay inuu wax ku qabto o xataaa awood kuyesho. Waqtiga haduu kaa dhamaddo u diyaar garow waxkastaa hada nimankaan puntland & jubaland + BBQ waxaa badali duno kuwo kadaran. Umalayn Mayo farmajo in lafahmiwayo Ee isagaan wax fahmayn!

    Reply

Leave a Reply to Majerteniaman Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*