29th March 2024  admin  Category :

Maxay 17-ka Xildhibaan ee Dhulbahante  kaga duwan yihiin kuwa kale ee Puntland?

Waxaa hubaala in xildhibaanada ka soo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn ay aad uga duwanaayeen markasta xildhibaanada kale ee golaha wakiilada Puntland, xilli kasta iyo goobkasta haday noqon lahayd deegaanka ay ka soo jeedaan oo xaalado cakiran ka aloosan yihiin, iyo haday noqon lahayd saamaynta culus ee ay ku leeyihiin doorashada xilalka ugu sareeya Puntland,

sidaas oo ay tahay ayey had iyo jeer xubnaha ku jira golaha wakiilada ee deegaankaasi u leeyihiin saamaynta intaas leeg, ayaa waxa had iyo jeerna golahaas gala ama ku biira tan iyo xilligii la aasaasay Puntland xubno aan wacyigooda siyaasadeed qoto dheerayn codkuudu qiimaha uu ku leeyahay golahaas iyo isbadel dhaca aan garanayn,hada iyo jeerna waxay ku yimaadaan saami qaybsi aad u dulmi badan oo kii u qalmay lagu reebo kaltankan reerkiinu ma leh,

iyo colaad shakhsiyadeed oo loo qabo hadduu yimaado nin u qalmaa in uu saamayn ku yeesho bulshada, waana sababta ay kuwo badan aad ugu soo noqnoqdaan, waxaa iyaguna qayb ka ah madax dhaqameedka deegaankaas oo is daba marinta iyo dibin daabyada iyaga ay ugu badiso, had iyo jeerna madaxa isu sudha bulshada soona horumariya kan ugu liita.

Kulankii Hutel Juba Garoowe.

Kulan ka dhacay Hutel Juba Garoowe wuxuu ahaa kii ugu horeeyey ee ay ku kulmaan Dr. Cali Ciise Cabdi, Xildhibaanada Puntland iyo kuwii ka socday Federaalka ee ka soo jeeday deegaankaasi, kulankaas waxa uu ahaa mid laysku xogwaraysanayey hasa yeeshee uu Dr. Cali ku ogaaday marxalada ay ku sugan yihiin xildhibaanada golaha wakiilada ee 17ka ahi iyo qaabka ay u arkaan in isbadel loo samayn karo, inkastay u carab laalaadiyeen Dr. Cali hadana wuxuu ka akhristay aragtida ay isbadel ka qabaan sida ay sheegeen ila kulankaas xog ogaal u ahayd.

Kuwo badan oo xildhibaanada 17ka ahi may qarsan waxay uurka ugu hayaan Dr. Cali , kuwa kalena wuxuu ahaa qorshahoodu hadaad dhaqaale nasiiisid waanu ku dooranaynaa, Dr. Cali Ciise Cabdina wuxuu mar walba dareen siinayey in dhaqaale la heli karo, hawlihii la soo marayna laga gudbi karo, laakiin wax dhaqaale ka weyn oo masiir ummaddeed ah in aad idinku gacanta ku haysaan, maantana aad isbadel abuuri kartaan, waxaana idiin hayaa barnaamij, kaas aynu isu kaalmaysano ayey Dr. Cali aragtidiisu ku qotontay.

Xubnaha Baarlamaanka Federaalka ka socday ee ka soo jeeday SSC in badan ayey isku dayeen in ay qanciyaan xildhibaanada 17ka ah, hasa yeeshee markasta dhawr xubnood oo aan iyagu golaha wakiilada ka maqnaan muddooyinkii uu jiray intii badnayd ayaa dood kala hor imaanayey, dareensiinayeyna In aanu jiri doonin qof u codeeya Dr. Cali Ciise, ee nin waliba uu ka danaysan doono oo hadba kii ugu lacagta badan ay u codeyn doonaan.

Kulankaas wixii ka danbeeyey Xildhibaanadu waxay ahaayeen kuwo ku biiray suuqa kala iibsiga xildhibaanada, waxaana habeenkii ugu danbeeyey Cali ay is arkeen xildhibaano tiro badan oo dhinac walba ka soo jeeda wuxuuna u sheegay in aanu wax dhaqaalo ah ku bixinaynin cod ee ay barnaamijkiisa ku doortaan.

Dad badani arrintaas waxay u arkayeen in aanay ahayn wax ka socon kara doorashada Puntland iyo xaaladda Xildhibaanada oo iyagu u arka xilkan mid ay ku fushanayaan dantooda gaarka ah, oo aanay marnaba dan guud in ay wax kaga qabtaan aan kuba fakarin.

Dad badani Dr. Cali way ku dhaliileen sababta uu isu soo sharaxay maadaama aanu dhaqaale doonayn in uu bixiyo, oo haddii uu doonayo in uu musuq maasuq la dagaalamo wado kalena aanay u furnayn in uu xukunka ku yimaado aan ka ahayn musuqmaasuq sida madaxweyne Farmaajo uu ku yimaado Musuqmaasuq ka dibna uu musuqmaasuqa la dagaalamo.

Laakiin Dr Cali Ciise qorshe kale ayuu watay, kulan uu la yeeshay hawlwadaanadiisa ololaha ayuu Dr.Cali Ciise Cabdi ku sheegay in uu qorshihiisu ahaa in uu isbadel weyn oo dhinacyo badan ah ku soo kordhiyo Puntland, isla markaana ay ahayd aragtida uu qabay in haddii ay isla gartaan arrintaas 17 xildhibaan ee Sool, Sanaag Iyo Cayn oo iyaga lagu tilmaamo Puntland

sameeyayaasha madaxda Puntland oo ninkii ay garabsiiyaan xilka madaxweynaha madaxweynaha Puntland guul ka gaadhi karo , iyada oo bulshada kalena garab laga raadinayo,17kan xildhibaan oo inta badan afka lagu hayo in arrintaasna qiimaheeda leedahay, hasa yeeshee hadana aynu tijaabo galinay natiijadeediina aan aragnay ayuu yidhi Dr Cali.

Kulan danbe oo uu Dr.Cali Doorashada ka dib qabtay oo ay xildhibaano badan oo ka soo jeeda Sool,Sanaag Iyo Cayn ka soo qayb galeen wuxuu uga golahaa in uu dareensiiyo in aanu wax dhibaato ah u arag loolankii iyo halkay istaageen ee ay maanta hawshu dhinacooda jirto, kuwo badan oo ahaa xildhibaanadii balan kaad ka sameeyey ee kaga baxay kulankaas way joogeen laakiin wajiga waysiin kari waayeen Dr. Cali kuwana wayba isla sawireen, Dr. Cali Ciise waxaa isaga ka muuqatay odaytinnimo iyo nin aanay ku jirin dareen kale. Wuxuuna u muuqday nin gadaal ka tuuray wixii la soo maray oo hore uga socday.

Dhacdooyinkii la soo maray doorashooyinkii hore ayaa iyaguna ahaa kuwo tii ugu danbaysay xidhiidh lalahaa marka loo eego qaabka ay u adeegsadaan cododkooda xildhibaanada Sool, Sanaag Iyo Cayn ee ku jira golaha wakiilada Puntland, sanadkii 2005 waxaa aad u faaftay in cododkii uu u baahnaa Maxamed Cabdi Xaashi uu ka waayey xildhibaanada deegaankiisa, hasa yeeshee xilligaas umay muuqan sida ay Hadda u muuqatay, Maxamed Cabdi Xaashina wuxuu helay tiro 30 kor u dhaaftay. Muddooyinkii ka danbeeyeyna codka goboladaasi wuxuu ahaa mid lagu kala baxo.

Xilligan wuu ka duwanaa xilliyadii hore, waxayna dad badan ugu muuqatay in la soo gaadhay xilligii 17ka xildhibaan codkooda uga faa’iideysan lahaayeen maadaama ay iyagu ka duwanaayeen dhammaan xildhibaanada kale oo deegaankoodu ku nool yahay duruufo ka duwan kuwii ay ku nool yihiin deegaanada kale.

Waxaana qorantay taariikh 08.01.2019 taas oo odhanaysa dhammaan xildhibaanadii Sool, Sanaag Iyo Cayn way ka codeeyeen Dr. Cali Ciise Cabdi, waxaana Dr. Cali Ciise Cabdi helay hal cod oo uu siiyey nin ka soo jeeda gobolka Nugaal oo si aad ah loo rumaysan yahay xildhibaankaas oo ah Cabdiqani Abshir Surato, waa wiil aad u aad u yar waxaa ka muuqata taqwo iyo alla kacabsi, waxaa la sheegay in qoyskiisu u garteen ee aanu u ololayn xildhibaanimada , wuxuu ku furay kulankii doorashada aayadaha quraanka kariimka ah.


إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَنْ تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَى أَهْلِهَا وَإِذَا حَكَمْتُمْ بَيْنَ النَّاسِ أَنْ تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ إِنَّ الله نِعِمَّا يَعِظُكُمْ بِهِ إِنَّ اللَّهَ كَانَ سَمِيعًا بَصِيرًا ﴾ (النساء:58

Su’aasha isweydiinta lihi xildhibaanadan 17ka ahi ma ku hawl galeen rabitaanka shacabka ay magacooda ku fadhiyaan kuraasta? Muxuuse noqon karaa qaabka ay ula xisaabtamayaan bulshada ay magacooda ku fadhiyaan kuraasta Hadda wixii dhacay iyo waxa soo socda?

Ma halkaas ayey bulshadu ku dhaafi sidii hore u dhici jirtay mise waxay noqon xisaabtan bilaabmay, dad badan waxay aaminsan yihiin dhammaan xildhibaanada Puntland hal iyo laba moojaane in ay qaateen dhaqaale badan, dhawaana laga dareemi doono isbadelka noloshooda kuwo badana guryo iyo gawaadhi raaxo lagu arki doono, waana qaab ganacsi oo aad u sii xoogaysanaya qaabkani.

Asad Cadaani Ibrahim

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*