
17th July 2026 admin Category :
Waa kuma ninka QM uga dhex ololeynaya aqoonsiga Israa’iil ee Isaaqland
Danny Danon waa Safiirka Joogtada ah ee Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay. Waxa uu dhashay 8-da May 1971, wuxuuna leeyahay waayo-aragnimo dheer oo dhinaca siyaasadda iyo diblomaasiyadda ah.
Danon hore ayuu u soo noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Israa’iil (Knesset), Wasiir, iyo Safiir UN intii u dhaxaysay 2015–2020, ka hor inta aan mar kale dib loogu soo magacaabin xilkan.
Danny wuxuu noqday Israa’iiligii ugu horreeyay ee hoggaamiya guddi ka tirsan QM, kaddib markii 2016kii loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Lixaad (Arrimaha Sharciga). Sannadkii xigayna, wuxuu noqday Madaxweyne Ku-Xigeenka Golaha Guud intii lagu jiray fadhigii 72-aad QM (2017–2018).
Intii uu xilka hayay, Danny Danon wuxuu hormuud ka ahaa go’aanno iyo dadaallo badan oo wax ka beddelay mowqifka Israaiil ee Qaramada Midoobay. Sannadkii 2016, wuxuu hoggaamiyay shirkii caalami ee ugu horreeyay ee QM lagaga soo horjeeday dhaqdhaqaaqa Boycott, Divestment and Sanctions (BDS). Sidoo kale, Danon wuxuu bilaabay barnaamij uu ku hoggaaminayay safiirrada kale ee QM safarro dhowr ah oo ay ku tageen Poland iyo Israel
Bilowgii Siyaasadiisa
Danny Danon ayaa soo noqday wakiilka Hay’adda Yuhuudda (Jewish Agency) halkaas oo noqotay bartii uu ka soo galay siyaadda, waxa ay ku yeelatay shaqadaasi noloshiisa raad weyn.
Bishii Juun 2006, Danon waxaa loo doortay Guddoomiyaha Ururka Caalamiga ah ee Likud, isagoo ka adkaaday Yuval Steinitz, xildhibaan ka tirsanaa Knesset. Wuxuu si gaar ah ugu xil saarnaa ka hortagga Yuhuud nacaybka.
Intii uu xilka hayay, Danon wuxuu si aad uga soo horjeeday qorshihii kala go’a ee Ra’iisul Wasaare Ariel Sharon, gaar ahaan aftidii loo qaaday ee ay sameeyan guddiga dhexe ee xisbiga Likud, taas uu Danon kaga adkaaday Sharon.
Waxii intaas ka dambeeyey waxa uu ahaa nin mowqif adag oo aan ka gamban danaha Israa’iil.







