26th April 2024  admin  Category :

Kuwii  aan dhalan xilligaa   gartaye,  xagee jireen kuwa Kontonka kor u dhaafay oo Puntland u burinaya shajkhsiyaad jacayl.

Sanadkii 1976, ayaa waxa isku soo aaday Dusigii oo la xiray iyo Aabahayo oo ka yimid  qirbaha oo waraaqo u wado Qoysas aanu  ehel nahay  oo degenaa buuraha Calmadow ee  dulsaaran magaalada Durduri ee gobolka Sanaag.

Markii uu gaarsiiyey dhambaaladoo ii waday eheladdii ay u socotay ayuu dib noogu soo laabtay anaga oo ku sugaynay Durduri,

Galabtaas waxa magaalada soo maray Allah ha u naxariistee Yaasiin Faarx Cabdale oo waday gaari ay lahayd  Warshadda Kaluunka  Laasqoray oo u socday  magaalada Ceelaayo. Horay ayaan u sii raacnay ilaa Ceelaayo. Markaan Ceelaayo gaarnay waxaan go’aansanay inaan Boosaaso u raacno Laash. Markaan Cabaar badda sii soconay waxaan gaarnay Boosaao, oo dhibi naga qabsatay sidii xargaha dekedda u qabsan lahayn oo u fuuli lahayn dekedda.

Markaan magaalada soo galnay waxaan ku soo degnay Guri uu dhisay mid ka mid ah Allah ha u naxariistee Ugaasyada Dishiishe.

Magaalda waqigaas waxa ugu caansanaa Makhaayad Cuntada laga cuni jiray oo lahaa Casaro, dukaanka Cabdulaahi Saalax Deer, Beerta Ilmo Isticmaar. Dukaan uu Carab lahaa oo Jalaatada laga cuni jidhay, meel la oran jiray Shiirkalo iyo Magaaxidii ayeeyaday Culimo Awaare. Allah ha u naxariisto intii dhimatay.

Habeen habeenada ka mid ah nin dhalinyaro ahaa oo maanta ka mid ah odayaasha Boosaaso ayaa isaguna na geeyey meel hanuunin ah oo u dhow badda oo ay ka socotay riwaayad la oran jiray Fulay Guuleed ma haleelee geesi caashaq ku raac.`

Maalmo markaan joognay Boosaaso  waxaan ka raacnay gaari uu waday Cabaas Cabdale oo u shaqayn jiray mashruuc iskaa wax u qabso ah wadooyinka hadaajin jiray, oo xaruntiisy ahayd Juurile

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*