27th April 2024  admin  Category :

VILLA WARDHIIGLEEY OO ABAABUSHAY MOOSHIN KA DHAN AH GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa Hoteello ku yaalla Muqdisho ka wadda Qorista Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa saacadihii u dambeeyay ku hawllanaa abaabul xooggan oo ku wajahan sidii xilka looga xayuubin lahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi kadib Khilaaf ba’an oo soo kala dhexgalay Guddoomiyaha iyo Hoggaanka Villa Somalia.

Khilaafka Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxda Dowladda Federaalka ayaa xoogaystay maalmihii u dambeeyay kadib tallaabooyin uu qaaday Guddoomiye Xaashi oo aysan jeclaysan Villa Somalia kuwaas oo ay kamid yihiin Guddi uu magacaabay si ay isugu keenaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Villa Somalia ayaa sida la sheegayo Caqabad u aragta Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ay aaminsan yihiin in uu ka horjeedo Damacooda ku wajahan in ay maroorsadaan Arrimaha Doorashada islamarkaana aan wax door ah laga siin Saamileeyda Siyaasadda Dalka.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed loo xil saaray abaabulka Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi si meesha looga saaro saamayntiisa Arrimaha Doorashada 2020/2021

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*