29th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo muxuu u cago jiidayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah?

Doorashaddii maanta ka dhacday Baydhabo ee lagu dooranayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed waa casharkii ugu danbeeyey ee umadda Soomaaliyeed ka baran karaan meesha loo socdo iyo doorashada ay ka sugayaan madaxda Dawladda Federaalku inay qabtaan.

Beelaha Koonfur galbeed , waxay Baarlamaanka Soomaaliya kaga heleen nidaamka xaaraanta ah ee 4.5 dhowr iyo lixdan Xildhibaan, oo haba yaraatee dadkooda iyo degaankooda wax u qaban, iska daa inay umadda Soomaaliyeed ee kale ka shaqeeyaan horumarkooda. Xerada ugu weyn ee ay Barakacayaal ku sugan yihiin qaaradda Afrika waxay ku dhowdahay guriga Baarlamanka Soomaaliya. Maalin walba Xildhibaanada Digil iyo Mirifle waa sii dhaafaan oo soo dhaafaan, oo haba yaraatee hal maalin kama shaqayn sidii umaddan Soomaaliyeed aan lahayn hoyga ay ka galaan roobka iyo Cadceeda ay dib ugu celin lahaayeen deganadoodii.

Siyaasiyiintan ayaa horay loogu isticmaali jiray inta badan Mooshinaddii lagu ridi jiray Ra’isulwasaarayaashii dalka soo maray.

Maanta Madaxweynaha Koonfur Galbeed si musuqmaasaq ah ayaa lagu keenay, ka dibna waxa loo dirsaday inuu si musuqmaasaq ah ku soo xulo Xildhibaanada Koonfur galbeed. Intaas markii ay dhacday ayaa Safiirkii hore ee midowga Yurub oo ay wateen Villa Wardhiigleey Farta loogu fiiqay inay u doortaan Gudoomiyaha Koonfur galbeed. Sidii ayeey noqotay oo waa la doortay Gudoomiye Safiirkii hore ee Soomaaliya ee midowga Yurub. Imisa Soomaaliya ayaa haysta kalsoonida ay Safiirka midwga Yururb isaga casilayaan oo isku huba inay Gudoomiye baarlamaan noqon doonaaan

Intaas oo musuqmasaq ah oo lacagtii Qaranka lagu kharash garaynayo waxa loo samaynayaa in Soomaaliya ayna ka dhicin doorasho hal cod iyo hal qof ah, oo mar dambe dib loogu laabto Nidaamnii Xaaraanta ahaa ee 4.5, oo hadda la diyaarsday Xildhibaanada Koonfur Galbeed, Dirta Waqooyi, Galmudug iyo Hirshabeele ee u codayn lahaa madaxda hadda joogta

Ugu danbayntii inta aynu dib ugu laaban lahayn nidaamka 4.5 ee Kooxda Ibbi ku caano maaleen , Soomaali inteeda kalena dib u dhac u keenay oo siyaasiyiinta Soomaaliyeed intooda tuugta ah ay ka faaiidaystaan kooxdan Ibbi in hogaanka Soomaaliya ku qabsadaan musuqmaasaq iyo Laaluush ay bixiyaan. waxa dhaanta intii Gudaha Soomaaliya la noqon lahaa Barkacayaal in nin walba meesha uu ka joogo Soomaaliya uu xaar xaarto, inta Soomaalida qaarkeed ay soo miyirsanayaan, oo ay ogaaanayaan waxa ay dawladnimadu tahay iyo in dalka la wada leeyahay.

Maanta oo dhowr bilood ka harsan tahay doorashaddii lagu balansanaa ee hal Qof iyo hal cod, madaxdu Qaranku ma jiro xisbi ay ka tirsan yihiin oo ay ku gelayaan Ololaha doorashada soo socota , sababtuna waxay ogyihiin iny doorashada lagu geli doono nidaamka xaaraanta ah ee 4.5 oo ay samaysteen Xildhibaano u codayn doona iyo Guddii doorashooyinka oo xaq darada ugu hiilin lahaa

ALLSANAAG.COM

2 thoughts on “Villa Wardhiigleey iyo 4.5

Leave a Reply to Cismaan Cawad Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*