22nd December 2024 admin Category :
Dawladda Soomaaliya oo ugu baaqday Soomaalida in M. Farmaajo laga taageero Clubhouse oo looga hiiliyo Mucaaradka
Afhayeenk Dawlada Soomaaliya ayaa Qoraal uu maanta soo dhigay ugu baaqay umadda Soomaaliyeed inay Madaxweyne Farmaajo ugu hiiliyaan aalad cusub ee Clubhouse ee ku soo biirtay Baraha Bulshada Sida Facebook, Amir Caamir IWM.
Aaladan cusub ee Baraha Bulshada ku soo biirtay ayaa waxa isticmaali kara oo qura qofka haysta telefoonka iPhone oo ah telefoon aad qaaliu ah oo Soomaalida inteeda badani ayna awoodin. Laakiin afhayeenka iyo Farmaajo is tustay inay heli karaan
Soomaalida ay Farmaajo iyo Kooxdiisu ugu baaqeen inay Clubhouse ku soo biiraan iyaga oo wata iPhone ayaa ah ah kuwo waqtiga la joogo la tacaalaya xanuunka Covid 19, abaaro, arrgagixsnimo iyo dagaale Sokeeye oo ahayd inay Villa Soomaaliya wax ka qabato, hase ahaatee ku guuldaraysteen si arimo noocan oo kale ugu mashquulsanaayeen