26th July 2024  admin  Category :

Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland waa magaalo ka wada dhaxaysa dhamaan Bulshaddii ama Goboladdii wada samaystay Puntland, waaxaana waajib ahayd si wax wada lahaanshaha loo xaqiijiyo in si isku mid ah magaaladaas ay ugu wada dhex muuqdaan guud ahaan Bulshada Puntland.

Magaalada maanta Caasimadda u ah Puntland ayaa inta badan xarumaha dawladda iyo kuwa la wad leeyahay waxa ku magcaaban dad degaan iyo beel ahaan ka soo jeeda magaaladaas oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ka qaban maamulka Puntland ee la wada samaystay 1998, oo ah fursadda u saamaxday in loogu magac daro xarumahan aan maanta suurtal gal ka ahayn Xudur iyo Bu’aale oo iyaguna ahaa madax goboleed sida Garowe.

Tusaale hadaan u soo qaadano Garoonka Kubadda Cagta wuxuu ku magcaaban yahay Mire Awaare oo beel ahaan ka soo jeeda degaanka.

Garoonka Diyaaradaha wuxuu ku magcaabn yahay Maxmed Abshir oo isaguna ka soo jeeda degaanka.

Jidadka Qaar ayaa iyagana ku magcaaban Isimo ka soo jeeda degaanka.

Dugsiyada qaar ayaa ku magcaaban sida Gambool dad ka soo jeeday degaana. Saldhigyada Booliiska sidan oo kale ayeey ugu magcaaban yihiin isla beesha Garowe.

Hadaba si khaladkii hore loo saxo oo Garowe looga dhigo caasimad la wada leeyahay waa in Guriga Baarlamaanka Puntland loogu magac daraa Allah ha u naxariistee AQALKA CALI AXMED DHAHAR, oo maanta u hoyday aqalkisii dhabta ahaa. Taas ayaa ah arinta dhabta oo dhiirin gelin karta Bulshada reer Puntland inay u arkaan in Puntland mid tahay lana wada leeyahay.

Ugu danbayntii xaaladda maanta lagu jiro iyo midnimada Puntland waxay ku jirtaa waa soo jiidashada in Puntland oo reer Puntland ah oo ka niyad jabay sida ay wax u socdaan iyo inay u arkaan in caasimaddii Puntland ay gaar isu siiyeen Cali Xoosh iyo Cabdiraxmaan Faroole.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*