8th May 2024  admin  Category :

Maxaa ka jira in shir midnimada Somaaliya lagu dhantaalayo uu Geeldoon shan jeer codsaday inuu ka qayb galo

Maxamuud Geeldoon, oo aynu wada ognahay halka uu ka taagan yahay midnimada Soomaaliya, ayaa qoraal uu qoray ugu sheegay ama uga digay Madaxda beesha Khaatumo inay ka digtoonaadaan Ururka Heritage ee kulankiisa lagu qabto dalka Jabuuti, oo aan marna looga hadlin midnimada Soomaaliya in lagu dhantaalo maahee.

Intaa markuu soo qoray Geeldoon , ayaa waxa qoraal dad gaar ah ku socday ka daba qoray asaasihii ururkan Cabdiraxmaan Cayne, ” isaga oo leh waa nagu diimaysaa Geeldoonoo shan goor ayaa naga soo codsatay inaad Jabuuti noogu timaado, waana kaa diidnay.

Mar waa la gartay, labo waa la garay, balse shan goor ayaa naga soo codsatay oo aanu ku diidnay inaad Jabuut noogu imado waa been cad iyo fariin loo irayo maamulka SNM oo ah kuwa idin diidan ANAGUNA WAA DIIDANAHAY.

Taladan uu Geeldoon siiyey reer Khaatumo, waxa ka horaysay inuu dhowaan safar dheer iyo kharash badan ku bixiyey inuu tago Soomaaliya oo la fariisto Isimada iyo Siyaasiyiinta beeshaas oo ujeedadiiisu ahayd dhiiro gelinta Midnimada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Caynte, isaga labo wax ayaa lagu xasuustaa marka ay timaado gobolka Sool

1- Waa ninkii qoray argagixisnimada Soomaaliya inay ka bilaabantay gobolka Sool

2- Markuu ahaa Wasiirka qorshaynta oo uu soo saaray tirakoobka Soomaaliya wuxuu sheegay in gobolka ugu dadka yar Soomaaliya uu yahay gobolka Sool.

Ugu ganbayntii arintan Caynte iyo Geeldoon waxa kala saari lahaa oo xog ogaal ka ahaa ku xigeenkii Ururkan Heritage Abdirashid Khalif Hashi. Kama hadlayo oo sababta lagu magcaabay ururkan lagu awrkacsanayey ayaan uogolaanayn . Sidooo kale Siyaasiyiinta Khaatumo ayaa laga sugayaa inay cadeeyaan mowqqifkeeda ay ka qabaan Heritag iyo Geelaha Jabuuti oo weligood taageeri jira maamulka SNM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*