27th July 2024  admin  Category :

URURKA RAJO SOO CELINTA PUNTLAND [PUNTLAND HOPE RESTORE ALLINANCE] OO WAR-SAXAFADEED SOO SAARAY

Austin (LN) Puntland Hope restore Allinance:- (Ururka rajo soo celinta Puntland. Ururka rajo soo celinta Puntland oo ah Urur Siyaasi ah oo Fadhigiisu-yahay Qurbaha wuxuu si adag u canbaaraynayaa Dialka & Shirqoolka lagu hayo Madaxda Amaanka ee Puntland,waxaan u aragnaa dilalkaasi kuwa Qorshaysan oo ay fulinayaan kooxo Nabad diid ah oo doonaya inay Gobolka Foodo & Amaan daro ka Abuuraan.

Ururku wuxuu Tacsi marka hore u dirayaa dhamaan Qoysaskii & ehelkii ay ka Geeriyoodeen Masuuliyiin Dilalka si xig-xigay loogu gaystay Magaalada Ganacsi ee Bosaaso, sidoo kale waxaanu Tacsi taasi la mid ah u diraynaa Guud ahaan Shacabka Puntland. Ururka Rajo soo celinta Puntland wuxuu Gaf, & meel ka dhac weyn, Lumin Masuuliyad daro u arkaa Maqnaanshaha Madaxda Puntland ee ay dalka kaga Maqan-yihiin Mudo Dhowr isbuuc iyada oo Amaankii liicay, waxana uu Ururku soo jeedinayaan in Madaxda Puntland ay Si Deg deg ah u Magcaabaan Guddi isku dhaf ah oo Baadhi Amaan oo Qota dheer ku Sameeyaa Shar-wadayaashii dilay Masuuliyiinta.

Ururka wuxuu doca kale u soo Jeedinayaan Madaxda Puntland ugu Saraysa inay xil adag iska saaraan Sugida & Tayaynta ilaalida Gaarka ah ee Madaxda Gaar ahaan kuwa Amaanka Habeen & Maalin u taagan. Gaba Gabadii Ururka Siyaasiga ah ee Rajo-Soo celinta Puntland wuxuu soo jeedinayaa Dhowr Tallo ah oo Dhaxal ga ah.

1- In la Magcaabo Guddi deg deg ah oo Saraakiisha Amaanka ka dhex Muuqdaan si dhowna ula socda dilalka & Meesha ay Salka ku hayaan isla markaana Cadaalada la hor keeno si Dhakhso ah kuwii Dilalkaasi soo Maleegay.

2-In Mushahar Dheeraad ah & Gunooyin loo qoro Ilaalooyinka Gaarka ah ee Madaxda Laamaha Amaanka si ay Sahal ugu noqoto inay Shaqo Maalmoodka Gudtaan.

3- In la helo Guddiyo Madax-banaan oo ka Kooban Bulshada qaybaheeda kala Gadisan oo Booliska kala shaqeeya sidii Amaanka layska Kaashan Lahaa.

4- In la tayeeyo War-doonka & Laamaha Nabad-Sugida PL oo ay ka Muuqato Habac-sanaan Baahsan & Tayo La’aan dhanka qalabka & dhaqaalahaba ah. 5- In xil adag layska saaro Masuuliyada Qoysaskii ay ka Geeriyoodeen Madaxdii Qaranku oo ah kuwa Geeriyooday iyaga oo Shacabka u adeegaya.

Afhayeenka Xisbiga Jaamac Feyte USA TX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*