7th May 2024  admin  Category :

Uganda: Wasiir musuqmaasaq loo haystay oo xabsiga la dhigay

KAMPALA, UGANDA— Kooxaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa soo dhoweeyey dacwadda lagu soo oogay wasiir ka tirsan xukuumadda Uganda, kaas oo loo haysto arrimo la xidhiidha musuqmaasuq ay ku kacday, hase ahaatee waxay shaki badan ka qabaan in masuuliyiinta kale ee xilalka sarsare haya, in tallaabo laga qaado ka dhan ah, fadeexadaha ay ku lug leeyihiin.

Wasiirka qaabilsan Karamoja, Mary Goretti Kitutu ayaa lagu soo oogay dacwad musuqmaasuq iyo weliba khasaare loo geystay hanti dadweyne, ka dib xatooyada kumanaan jiingado ah oo loogu talo galay bulshada deegaankeeda, kuwaas oo aad u sabool ah.

Wasiirka ayaa ku sii jiri doonta xabsiga, illaa laga soo noqonayo fasaxa toddobaadka, waxaana la filayaa inay xabsiga ku sii jirto illaa laga horkeenayo maxkamadda, maalinta Arbacada ee soo socota.

Xeer ilaaliyaha Uganda ayaa sheegay in lala xisaabtamayo wasiirada kale ee ku lugta leh fadeexaddan.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in wasiirka la xidhay, walaalkeeda ka yaraa iyo Joshua Abaho oo ah kaaliye sare oo ka tirsan wasaaraddaas oo baxsad ah, inay leexsadeen agabka dhismaha ee loogu talo galay bulshada saboolka ah ee Karamoja. Deegaanada Karamoja ayaa ah kuwa ugu saboolsan dalka Uganda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*