
11th July 2026 admin Category :
Tuulo dhan oo dadkii ku noolaa xabsiga la dhigay ka dib markii ay ka cawdeen wiil la dilay
BBC-da ayaa waxaa soo gaaray in xubno ka tirsan qoys BBC-da kala hadlay in dad reer miyiga ah oo ka dhiidhiyay dilka wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Yafet Mane oo lagu dilay tuulada Logo Ansebe Qerana Kudo ee gobolka Gash Barka ee dalka Eritrea dhamaantood la xiray.
Dadka deegaanka ee ku nool dalka dibadiisa iyo dadka deegaanka qudhooda oo la hadlay BBC-da, magacyadoodana qariyay ayaa sheegay in dilka uu dhacay 15 Nofember 2025.
Xubno ka tirsan qoyska oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in in ka badan 80 qof oo ah dadkii tuulada ku noolaa oo uu ku jiro ninka dhintay walaalkii ay xireen ciidamada dowladda kadib markii dadka deegaanka ay ka cawdeen dilka.
Marxuumka oo la yiraahdo Yafet iyo saaxiibadiis ayaa waxa ay nolol maalmeedkooda ka soo saaranayeen gubista iyo iibinta dhuxusha deegaanka, sida uu sheegay mid kamid ah dadka deegaanka. Waxaa la sheegay in ay askartu dileen ka dib markii ay qabteen xilli uu u socday Humberti si uu dhuxul ugu iibiyo dilka ka hor.
Maadaama Yafet aabbihii, Mane Gebremariam, uu xabsiga ku jiro, wiilkiisu waxa uu jarayay geedo oo uu dhuxul ka samaysanayay si uu u maareeyo qoyskiisa iyo naftiisa.
Azaria, oo ku nool Faransiiska, asal ahaana ka soo jeeda deegaanka, ayaa BBC-da u sheegtay “Yafet waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo dadaal badan, si aad ahna ugu dadaala sidii uu qoyskiisa iyo naftiisaba u taageeri lahaa, dhalinyarada deegaanka ayaa inta badan habeenkii u soo shaqo taga si ay dhuxul u sameeyaan, 15 Nofember 2025, Yaafet iyo saaxiibadiis ayaa ay ciidamadu xireen xilli ay ka soo ambabaxeen magaalada Hambarti”.
Azaria wuxuu ku andacoonaya in ciidamada ay ka kaxeysteen Yafet iyo saaxiibadiis dameero ay wateen, wuxuuna sheegay in dhalinyaradaasi ay baxsadeen oo ay ku dhuunteen meel u dhow tuulada markii ay isku dayeen in ay dib ugu laabtaan tuulada Karana Kudo.
Azaria ayaa intaa ku daray in dhalinyarada ay isku dayeen in ay dameeraha ka qaataan askarta, iyadoo intooda badan ay ku guulaysteen, balse kuma guuleysan Marxuum Yafet iyo saddex saaxiibadiis ah.







