28th March 2024  admin  Category :

Dawladda Turkiga ayaa ogolaatay ineey joojineeyso dagaalka ay kulla jirto kooxaha Kurdiyiinta Siiriya. Xabbad joojinta ayaa socon doonta muddo shan cisho ah si kooxda Kurdiyiinta ay oga saaraan ciidankooda xuduudka Siiriya.

Madaxweeyne ku xiggeenka Mareeykanka iyo madaxweeynaha Turkiga, ayaa kullan ay ku yeesheen Ankara waxaa lagu gaaray in xabbad joojin la sammeeyo. Xabbad joojinta, ayaa waxaa soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres; sidoo kalle, kooxda Kurdishka ee loo yaqaan SDF ayaa iyaguna soo dhaweeyay xabbad joojinta, waxeeyna sheegeen ineey u hoggaansami doonaan.

Turkiga ayaa doonaya inuu ka sammeeyo gudaha dalka siiriya dhul nabdoon oo uu dejiyo dad ka badan seddex milyan oo Siiriyaan ah, kuwaas oo qaxooti ku ah gudaha dalka Turkiga.

Arrinta xabad joojinta ah ayaa waxaa ka hor yimid xubnaha ugu sareeya xisbiga dimuqraadiga kuwaas oo doonayey in Turkiga lagu soo rogo cunaqabateen xagga dhaqaalaha ah, waxeeyna madaxweeynaha Mareeykanka ay ku eedeeyeen in cunaqabateenta Turkiga lagu soo rogi lahaa uu dhaafsaday xabad joojin uu Turkiga la galay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*