26th April 2024  admin  Category :

Muddooyinkaan danbe waxaad arkeeysaa shaqsiyaad si toos ah cadaawad ulla soo baxay taas oo ku aadan dalalka ay ka midka yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka, iyagoona is xijinaya dalka Turkiga.

Dalka Turkiga gurmadka uu u sameeyay dalka Soomaaliya waxaa ku lifaaqnaa danno gaar ahaaneed, adduunkana cidina dan la’aan wax umma bixiso. Haddii Turkiga uusan Soomaaliya dan ka laheen shirkadihiisa lama aysan wareegeen garoonka diyaaradaha iyo dekedda oo ah meesha kelliya ay dawladda federaalka lacagta ka hesho.

Turkiga haddii uu daacad ka yahay dalka Soomaaliya ma uusan sameeyeen iskuulo lagu barto luqada Turkiga, balse wuxuu ka caawin lahaa wasaarada waxbarashada sidii loo diyaarin lahaa buugaagta waxbarashada kuwaas oo lagu turjumay luqada afka Soomaaliya sidii ay ahaan jirtay xilligii dawladda ay jirtay.

Ma ahan in shacabka Soomaaliyeed looga dhigo carabta ineey yihiin dad cadaw u ah dadka Soomaaliyeed. Inta badan guryaha ka dhisan dalka Soomaaliya waxaa laga dhisay lacago laga soo shaqeeystay wadamada carabata. Tan iyo buruburkii dalka Soomaaliya, waxaa wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka loo dhoofiyey mallaayiin xoolo nool ah, waxaana ganacsatada iyo dadka reer miyiga ka soo galay ballaayiin doolar.Turkiga ma jiro wax alla iyo wax aan u dhoofino, mana jirto wax ganacsi ah oo naga dhaxeeya.

Dadka dawladda Turkiga u sacabtumaya waa ineey fiiriyaan dhibka ay ku hayaan dadka Kurdishka ah. Tusaale, haddii dalka Turkiga uu yahay mid ka naxaya dadka Islaamka ah, waxaa ay ulla dhaqmi lahaayeen dadka Kurdishka si wannaagsan, kumana laayeen diyaarado. Qof muslimkii kurdishka ahaa diyaarad la dhacaya, Soomaali muxuu u yahay?

Hadaba, Soomaalida waxaa wannaagsan ineey caqligooda uusan noqon mid hal dhinac oo kaliya u shaqeeya, waana ineey miisaanka saaraan dhinac kasta. Dawladda Soomaaliyana waxaa wannaagsan in caalamka ay kulla dhaqato hab dublamaasiyadeed kaas oo wax la qeeybsan karaya dalalka Muslimka ah iyo kuwa aan muslimka aheen.

Dalalka Carabta, sida Sacuudiga iyo Imaaraadka weey jiraan waxyaabo qaldan oo ay ku kaceen ama ay waqtigan faraha kulla jiraan, taas macnaheeda ma ahan in aan u aragno cadaw, meesha Turkiga looga dhigayo dadka inuu yahay leelatul qadar.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*