31st January 2023  admin  Category :

Tani ma’aha Puntland la wada leeyahay, mar haddii iyada oo aan maskaxda laga shaqaysiin la leeyahay halkan beeshayda ayaa degta ee aan dhagax dhigno.

Kontonka gobol ee Maraykanku, waxay dhowr boqol oo sano ku wada joogaan waa wax wadaagga dhib iyo dheefba leh

.

Maamulka Puntland oo hadda ka mid ah xubnaha federaalka ee dawladda Soomaaliya, ayaan haba yaraatee ku shaqayn habka ay in badan oo ka mid ah dawladaha Federaalka Caalamku ku liibaaneen ee ku salaysan wax wadaaga.

Dhowr sano ka hor markii bulshada reer Maakhir ay isla soo hadal qaadeen inay Laasqoray ka dhistaan Deked, ayaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole wuxuu ku khudbadeeyey in Puntland ayna qaadi karin labo Dekedood oo aynu maanta haysano Dekedda Boosaaso oo inagu wada filan.

Iyada oo taas madaxa lagu hayey ayaa maamulka Puntland wuxuu u ololeeyey qorshe ah in dekedda Garacad Puntland laga dhiso, iyada oo an laga fekerin samaynta dekedda Garacad ay ku yeelan doonto dekedda Boosaaso

Sidoo kale dhowaan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansxiyey heshiiskii doorashada, waxayna sheegeen In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta iyo magaalo kale .

Garowe iyo Boosaaso ayaa laga dhigay deegaan doorashooyinka Puntland. Sanaag iyo Hayland, waa ka maqan yihiin wax wada wadaaga.

Arinta ugu daran, oo aan laga aamusi karin ceebna ku ah madaxweynaha Puntland Deni, ayaa waxay tahay in isaga oo maskaxda ka shaqaysiin inuu dhagax dhigay Jaamacadda umadda Soomaaliyeed Faraceeda Qardho.

Maamulka Puntland horay ayeey ugu taalay Jaamacadd Umadda Soomaaliyeed, oo hadda waxay ka shaqaysaa magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, ee waa maxay sababta madaxda Puntland ayna cidna wax u ogolayn ayna u diidan yihiin in wax la wada wadaago si degaanada oo dhan dheeftu u wada gaarto?.

Marka aad Fiiriso Ardayga Dugsiga sare ka dhamaysta magaalooyinka ugu waaweyn gobolada Hayland iyo Sanaag sida Dhahar, Buraan, Xingalool waxa degaan ahaan u dhow Qardho, waxaana laga yaabaa inay halkaa u waxbarasho doontaan, taasina waxay sababi kartaa in albaabada laysugu dhufto Jaamacadda Badhan.

Ugu danbayntii Faroole iyo Deni waxay u harsan la’yihiin oo maalin iyo habeen ugu qaylinayaan Warbaahinta in Federaal ahaan ay Muqdisho wax uga maqan yihiin, intaa in ka badan ayaa reer Maakhir uga maqan Garowe .

Culayska siyaasiyiinta Majeerteen ay maanta Farmaajo saareen ama ku hayaan mid ka culus oo ay lugaha dhulka ugu dhufan karaan ayeey samayn karaan reer Maakhir haddii ay talaabada saxda ah horay u qaadaan oo ay ka bilabaan inay ka dhiidhiyaan si cadna u sheegaan in jaamacadda Umadduu loo daayo Badhan oo qura, taas oo ah Jaamcadda keliya ee Puntland yeelan karto

Allsanaag.com

5 thoughts on “Tani ma’aha Puntland la wada leeyahay

  1. Hamsa

    Waxaan u malaynayaa qofka maqaalkan qoray qof caafimaad qaba maahan waayo xasidka iyo xumaantu waa diin ka bax waa ceeb wayn iyo foolxumo inaad tiraahdo gobolka sanaag ayaa jaamacad ku taalaaye maxaa Karkaar mid kale looga dhagax dhigay. Karkaar miyaan bini adam ku noolayn u baahan waxa ay gobolada kale u baahanyihiin, miyaysan xaq u lahayn inay dhistaan xarumo wax barasho, xarumo caafimaad iyo wixii la mid ah,. waxaad tiraahdeen ardayda hyland iyo buraan ayaa xagaa aadaysa sidaa daraadeed maaha in Qardho jaamacad laga furo ok maxuma balse ka warama ardayda Karkaar sida Qardho, Sheerbi, Waaciye , Bender Bayla iyo Rako kuwaasi xagay aadin. Sidaad u fekedheen ayaa si qaldan ah kuma xirna jaamacaduhu location waxay ku xirantahay arday walbaa halkuu rabo iyo madada uu doonayo halka ku fiican iyo sidoo kale quality ga wax barasho ee xulashada jaamacadaha , tusaale ahaan arday Garowe jooga ayaa jaamacada Badhan gelaya mid Bosaso joogaana tan Garowe ayuu gelin mid sheerbi jooga aya Badhan galin mid Badhan joogaana Qardho ayuu gelin waa rabitaanka ardayga iyo doorashadiisa. Waxaan oranlahaa walaalaha page kan xisdiga iyo xinku ma fiicna waana laysku nacaa runtii reer Qardho sow kuwii dhiiri gelinayay mashruuca wadada ceel daahir ceerigaabo oo lacagaha badan ku bixinayay maahan, haday meel xaar xaarteen ma inaad ka xumaataan ayay ahayd mise inaad ku garab siisaan oo bogaadisaan, Madaxwaynaha Puntland isagu bulsho wax dhisanaysa miyuu dhihin idiin dhagax dhigimayo oo ka diidin, waxaan qabaa qoraalkan inaad meesha ka saartaan waayo naciina ayuu warinayaa wuxuuna xumaan iyo cunfi ku dhex abuurin walaalo aan wanaag mooyee xumaani dhex ool.

    Reply
  2. Jirac

    BISMILLAHI RAHMANI RAHIM. Hadaan aragtidayda gaaban ku cabiro waxna ka dhaho sida aniga shaqsiyan aan wax u fahmay run ahaantiina anigoo cududaaranaya oo ka maqnaa Dalka mudo dheer waxaa modaa hab dhaqankii HABQANKA ahaa in wali lagu dhaqmayo madaxweyne kastana uuba ugu jiro xusul duub beelaysan in meesha uu ka soo jeedo uu wax un ka yagleelo. 1. Marka u horeysa waxaa loo baahan yahay maskax korin bulsho. Redistricting oo la saxo power sharing kan hada jiraah waa qalad shaqsiyan waan ogaa in uu u baahnaa in wax weyn laga saxo Waxaanse u gartay inaan la’iskuba dayin oo sidaa lagu doortay madaxweynehii 3aad ilaa hada madaxweyneha lixaad. 2. Sanadii 2009 kii bay ahayd waqtgii Faroole ee aragti wadaag lagu soo bandhigay sadex arimood oo loo sameeyo puntland oo ugu horeeyo DASTOORKA, dib u eegida system ka parliament ka iyo dib u habeynta dhaqaale dheeli tirin si puntland mustaqbalka u hanato koriimo wada socda xiligaas waxaa lagu taliyey aragtida ah in puntland yeelato 3 dakadood 4 airport oo caalami ah dastuur, iyo in dib u qaabeyn weyn lagu sameeyo parliament ga puntland isimadana la’iskugu yeero. Wax ka hirgalay waxaa la’ii sheegay dastuurka, airport Bossaso iyo Garowe. 2019kii waxaa ii xigtay Dhismaha Dekeda Garacad. Run ahaan tii barnaajiyada horimaranta puntland waa dib dhacsanyihiin 65% runtii ee maanta waxay aheyd in puntland leedahay 5 dekadood waana riyadaa aabayashii puntland in laba nafsi saaro. Waa run in dadkanaga ay hayaan u ahaan jireen koonfurta Somalia wax kasta la gelin jiray lakiin HABQANKII loogu soo guryo noqday ee looga yimid KOONFURTA waxay aheyd nafsi laga galay Deegaan keena. Maanta waxaa loo baahan yahay in la koriyo maskaxda dadkeena oo lagu koriyo in ka gees ka gees isla jaan qaado lana kobciyo in la BALAARIYO DEKADA BOSSASO, in la dhiso DEKADA LAASQOREY, in la dhiso DEKADA EYL, in la dhameystiro DEKADA GARACAD in la dhameystiro jidka CEELDAHIR CEERIGAABO in la dhiso jidka GALKACYO BUUHOODLE, iyo in la dhiso ama la balaariyo jidka GAROWE LAS’ANOD eeg faaidada ku jidha waxay keeneysa dhaqaale abuur xoogan iyo hurumar quality leh taas waxay u hor seedaysaa iney sahsho in maskaxda u madeenu ka korto ama in wax laga sugo in qof kale wax kaga maqanyihiin ama uu wax kuu qabto; waxay soo afjareysaa habdhaqankan HABQANKA ah ee wali ka jira puntland. Fiiri waxaa u baahan in la Fahmo soo jiidashada maal gashi marna faa’iduu leeyahay marna maleh faaiduu leeyahoo markii aad FACILITIES haysato waxaad si easy ah ku helaysaa wax aadan awal kuhesheen for example hotel 3 star adoo leh ayaa dhisatay mid 5 star ah xirimeysid kaagii 3 star ka ahaa jawaabtu Waa maya. Tan kale FAROOLE waa nin si qaab daran u hadla waxba warkiisa yaan la qaadan oday 80 jir ah oo asaasaqay weeye wax yaalo u baahan in si hoose loo farsameeyo weeye in media yaha lagu qoro ma haboona hada ama iminkadan. Waxaan aad iyo aad u rajynayaa in isku tashiga iyo isku xirka bulshada in aad loogu baahan yahay si tubta toosan loogu hago dadkanaga wax kasta iyakaa qabsan kara waan uu sameysanahay ee hagidii iyo toosintii baa u baahan in laga gudbo caqabadaan HABQANKA Waa lagama maarmaan. Xiligii madaxweynihii 5aad Mr. Gaas waxaan maqlijiray in airport ka bossaso upgrade lagu sameeyo UNDP iyo iskadaba wareeg Mogadishu ayey u xanibanyihiin in Hal project la dhameystiro maanta waa 2021 dadkanaga maskaxdoodu waa inay kortaa fahmaana inayba u baahneyn isdaba wareegakan iyo daba oradka Mogadishu iyo hay’ado ku cuna magaca Somali ama waaba blood money. Marka the point is dadkanaga ayaa ku filan inay iyaku wax qabsadaan puntland na nafsiga ka saaraan habqankana lagu bedelo si nadaamsan oo isla jaanqaada waa easy very easy . Waan ku raftay lakiin waxaan filayaa in pointigeyga la fahmay hana la’ina raali noqdo

    Reply
  3. Horseed

    Qardho waa laga furi karaa boqolaal jaamacadood oo si gaar ah loo leeyahay, balse jaamacad ummadda Soomaaliyeed waa in maamul goboleed kasta uu yeeshaa hal xabo. Maanta Muqdisho oo ay ku nool yihiin dad badan waxeey leedahay hal taas oo berrigii dawladduna ay sidaa aheed. Hadaba hadii shalay la yiri dekeda boosaaso ayaa dadka ku filan mid kale dhisideeda looma baahna, maxaa diiday in Badhan ay noqoto jaamacada kaliya ee ay leedahay Puntland?

    Reply
  4. Ali

    Puntland intaa bahdil bay ku haysaa beesha warsangali. Beesha warsangalina marka lasiii bahdilaba way sii jeclaataa Puntland.

    Reply
  5. Mohamad

    Waa gar waxa maqaalku ka hadlayo.
    Waa in maanka aad Ku haysaa inaan cidna dantaaada ka shaqaynayn walaalkaana ha ahaadee,uuse dhisayo gurigiisa,u dadaalayo.
    Marka maamul la wada leeyahay waa in cadaalad loogu qaybiyi bulshada mashaariicda,aana loo kala sadburin,waxase is weydiin mudan Puntland oo Harti wada dhistay,hadase dheefteeda Majeerteen isku koobay waxa u sabab ah??

    -Majeerteenka oo u arka Warsangeli iyo Dhulbahante inaanay waxba la lahayn,xaqbna u lahayn in loo harumariyo sida Garowe,Bosaso,Qardho,laakiin u arka dad iyo dhul laysku badiyo goboladooda,dheefna lagaga raadsado federaalka,beesha caalamka,Lagana qadiyo deeqaha magacooda lagu helo,una arka Parasite Ku dul nool,canshuur Ku darsan.

    -Loo adeegsado miisaan siyaasadeed,oo Puntland waxba ma noqoteen hadaanay Sool & Sanaag Ku jirin,xubnaha Ku metela federaalkana gacanta Ku haynin.

    Waa uun labadaa qodob,waxase nasiib darro ah dadkii garan lahaa oo aan lahayn inay yihiin dad dano lagu gaaro,aanse mudnaan u lahayn Puntland siday u haystaan ayagu.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*