8th May 2024  admin  Category :

Maanta warbaahinta Soomaaliyeed iyo tan caalamku waxay indhaha ku hayaan madaxda Soomaaliyeed ee ku shiraya magaalada Garowe.

Madaxweyne Deni, waa ognahay in madaxda dawladda Soomaaliyeed iyo kuwa maamul goboleedyadu ay ka   wada hadli doonaan arimaha dastuurka, wax wada qaybsiga, doorashooyinka iyo amniga.

Hadaanu nahay bahda Allsanaag mid ayaan kuugu daraynaa madaxweyne Deni , taaso ah Islaamnimada, Soomaalinimada, derisnimada, bani aadanimada iyo mid wax kaa taraysa mustaqbaalkaaga siyaasadeed.

Sidaad la socoto ganacsiga gobolka Sanaag guud ahaan galbeed ilaa Bari wuxuu ku xiran yahay dekedda Boosaaso. Dhowaan maamulka  Hargaysa  wuxuu cunaqabatayn ku soo rogay degaano ay colaadi ka jirtay, dadkuna ay  ku nolaayeen duruufo adag ayna u sii  dheer tahay Abaarta xun ee maanta ka jirta geeska Afrika .

Sidaas awgeed dadkan dhibaataysnaa  ee  cuna qabataynta loogu sii daray waa inaad bisha Ramadaan deeqaha loo soo dirayo  ee la soo marsiin doono  dekedda Boosaaso aad canshuurta ka yaraysaa ama ka dhaaftaa.

Ugu danbayntii madaxweyne Deni, sidoo kale warsaxaafadeedka aad la qaban doonto madaxda dawladda federaalka Soomaaliya waa inaad ka codsataa inay sidan si  la mid ah iyaguna  yeelaan oo dadkan dhibaataysan ay gurmad la soo gaaraan oo Boosaaso u soo mariyaan . Siyaasadu waa fursad, yeeyna  arintani ku seegin. Maanta siyaasadda Caalamku waa soo jiidashada shacabka  iyo qalbiyadooda oo la hantiyo. Haddii Hargaysa siyaasadeedii noqotay cuna qabatayn, Garowe waa inay Gobanimo iyo guul la yimaadaan

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*