
19th January 2026 admin Category :
Talo Aan u Jeedinayo Shacabka Khaatumo: Feejignaada!
Qiimaynta maamul-goboleedka cusub ee Woqooyi Bari dhinacya kala duwan ayaa laga eegi karaa. Dhinacyadaasina ma aha kuwa si mug leh loogu gorfayn karo baraha bulshada sida Facebook. Waxaase jira arrin ay tahay inuu mar kasta mudnaanta kowaad u lahaado shacabka Khaatumo iyo inta ay isku danta, duruufta, iyo aayahaba yihiin; arrinkaasina waa Somaliland iyo sharka ay ku hayso beelaha ay beenta ku sheegato.
Dagaalkii Sool ee Somaliland lagu jebiyey iyo dhisiddii maamulka Khaatumo ka dib waxaa bilawday cadaadisya xooggan oo maamulka lagu cadaadinayo inuu wadahadalla la furo Somaliland iyadoo u jeeddada laga leeyahay ay tahay maxaabiis isdhaafsi. Haddaba waxaynu ognahay in Khaatumo oo u xuubsiibatey maamulka Woqooyi Bari ay kaadhadh culus oo ay Somaliland gorgortan kula geli karto gacanta ku hayso iyo inaanay kaadhadhkaa dhaafsan karin wax ka hooseeya sheegashada ay Somaliland sheeganayso iyo goosashada muquunada ku dhisan ee ay waddo oo ay si caalamku wada arko u joojiso.
Haddaba aynu isweydiinno, MUXUU YAHAY QORSHAHA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMMUUD EE KU AADDAN SOMALILAND IYO LA MACAAMILKEEDA? Saynu ognahay waxay Madaxweyne Firdhiye iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Khaatumo kana tirsan Barlamaanka Soomaaliya isku sidkeen iskuna toleen danaha siyaasadeed ee Khaatumo iyo danaha siyaasadeed ee XSM. Waxayna kooxdan abaaulan ee doorashadan Laascaanood ka dhacday awoodda sare ku yeelatay siyaala kala duwan u caddayeen inay u HOGGAANSANAANAYAAN Xukuumadda Federaalka oo ay ka wadaan Madaxweyne XSM. Ku darso xisaabta in XSM ay dantiisa siyaasadeed ku jirto codadka xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland iyo kuwa ka soo jeeda Woqooyi Bari, oo weliba kuwa Somaliland ka soo jeedaa ay badanyihiin. Iyana ku darso xisaabta sida aanu XSM marna u soo bandhigin qorshihiisa ku aaddan Somaliland iyo la macaamilkeeda, taana warkeeda ay innoogu dambeysey isagoo qabey in intii Ingiriis xukumi jirey ay u wada yihiin “isku taariikh” iyo isku “xayndaab.”
Aan soo ururiyee, waxaa ii muuqata inuu XSM awood iyo saamays laxaadleh ku yeelanayo maamulka cusub ee Woqooyi Bari, uuna danta siyaasadeed ee Woqooyi Bari hoos keeni doono danta uu isagu leeyahay. Umana eka madaxda Woqooyi Bari iyo siyaasiyiinta XSM aadka ugu dhow ee Woqooyi Bari ka soo jeedaa kuwa XSM is hortaagi kara ama tala ka diidi kara. Ta u darri waxay tahay iyadoo uu XSM maamulka Woqooyi Bari ku sibiq siiyo heshiis dhinac ka raran oo uu Somaliland la galo. Si aanay taasi u dhicin waa in uu shacabka Khaatumo, ee Woqooyi Bari asalka u ahi, aad u feejinaadaa si aan guushii ay nafaha badan u hureen loo xagal daacin, dana siyaasadeed oo gaar ahna loogu adeegsan.
Qore: Maxammuud Cali Geeldoon







