28th March 2024  admin  Category :

Dagaal Xudun Ka dhacay Oo Lagu Dilay Taliyihii Maleeshiyaadka SNM ee Degmada iyo Askar kale Oo Dhaawac Ah

Waxaa Magaalada Xudun Hada Lagu Dilay Taliyihii Maleeshiyaadka SNM ee Degmada Xudun Cismaan Cagaweyne oo maamulka SNM ugu Magacowna Taliyaha Xudun,

Sidoo kale Waxaa dhaawac Culus soo gaadhay in ka badan 6 askari oo kamid ah iyana maleeshiyaadka Maamulka Isaaq u jooga Degmada Xudun ee Gobolka sool,

Dilka taliyaha SNM ushaqeeya Cagaweyne iyo askarta kale dhaawacantay ayaa yimid kadib markii Weerar culus dhexmaray maleeshiyaadka SNM U jooga xudun iyo Ciidamo Deegaanka ah oo ka amartaaqa madaxweyne Axmed Karaash.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyadda Puntland gaar ahaan xafiiska Madaxweyne Karaash oo xudun tagay ayaa waxaa qabtay taliyaha SNM ujooga Xudun kaaso xidhay.

Ciidamo Beesha Axmed Karaash ah oo xudun iska Abaabulay ayaa weerar ku qaaday Saldhiga SNM ee Xudun halkaas waxay ku dilen Taliyihii SNM Ee Xudun oo Deegaanka Ka Jeeda waxaana dhaawac ah lix isaaq ah.

Sidoo kale waxaa jeelka lagala baxay oo ciidamada Axmed Karaash Beeshiisu la bexen Ninkii laga xidhay,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*