9th February 2023  admin  Category :

Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo khudbad dheer ka jeediyay madal dadwayne oo ka dhacaysay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladda dalku marayo xiligan.

Madaxwaynaha oo ku dheeraaday doorashooyinka dalka ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaroow, masuuliyadda aad ummadda u hayso way caddahay annaguna waan ku garab taaganahay ee dalkan ka hirgali doorasho xor ah oo aan mindida daabkeeda lagula haysanin”

Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa sidoo kale tlmaamay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo heshiisyadii la wada gaaray ” Mawqifka Jubbaland ee Doorashooyinka waa in dhammaan la ixtiraamo heshiisyadii la wada galay, Ra’iisal Wasaraha shaqo dacalka la haysto ma qaban karo shaqadiisa haloo madax banneeyo isagaa wadanka masuul ka ah mindi daabkeeda la haysto RW Rooble waxba Kama qaban karo haloo madax banneeyo shaqadiisa” ayuu yiri .

Dhinaca kale Madaxwaynuhu waxa uu soo hadal qaaday kiiska la xiriira sarkaalad Ikraan Tahliil waxaana uu hoosta ka xarriiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay u caddaalad helidda gabadhaasi.

May be an image of one or more people, people standing and indoor
May be an image of 1 person, sitting and indoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*