26th April 2024  admin  Category :

Taliyihii Hubkii yaalay Galgala la goostay, oo la sheego inuu sabab u ahaa xasuuqii ka dhacay Af urur, ayaa waxa madax looga dhigay Mashruuca ay siyasiyiinta Majeerteen lacagta badan ka sameeyaan ee la dagaalanka argagixsada. Dadkii degaanka ka soo jeedayna aan wax laga waydiin

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta taliyaha la dagaalanka argagixisada oo dhaqaale badan so geliya Puntland wuxuu u magcaabay Muxyadiin Axmed Muuse (Muxyadin Gacamey),

Muxyadin oo Janaraal noqday xilligii xukuumaddii Faroole, darajo ciidan booliisna aan hore u soo marin, ayaa waxaa Taliye Boolis Puntland u magacaabay Madaxweyne hore Cabdiweli Cali Gaas. Taliyahan ayaa intii uu xilka Taliyaha Booliska hayey waxa ay bulshada Puntland Taliyaha iyo ciidankiisa khaaska si joogto ah uga keeneen cabashooyin isbadajoog ah.

Cabashooyinka iyo eedaha ka dhanka ah Taliyaha waxaa kamid ahaa tacadiyo ay kamid ahaayeen dilkii maxbuus marxuun Axmed Maxamed Abokor oo u dhintay jirdil ciidamada boolisku ugu gaysteen xeebta Bossaso, si gaar ahna loogu eedeeyey ciidanka gaarka ah ee Taliyaha.

Taliyahan ayaa mar xilka laga qaaday \ wuxuu rartay dhamaan hubkii loogu talo glay la dagaalanka argagixisada ee yaalay Buuraha Calmadow, wuxuuna gaystay degaanka Qarxis ee Gobolka Nugaal. Ilaa maalintaa hubkii dawladda wuxuu noqday Tiknikada beesha Ciise Maxamuud ee reer Puntland intoda kale ugu afduuban yihiin Caasimadda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*