13th May 2024  admin  Category :

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalaya Shirka 14aad ee Golaha Guud ee Hay’adaha Hantidhawrada Guud ee Dalalka Carabta (ARABOSAI) oo ka dhacaya magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudiga.

Kulankan oo ay martigalisay Hay’adda Hantidhawrka Guud ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxyaabaha lagu qaadaadhigay waxaa qayb ka ah warbixinno la xiriira hawlihii u qabsoomay ururka, warbixinno ku aaddan qorsh hawleedyada 2023-2028 iyo aqoon iswaydaarsiyo kala duwan oo dhinac socda inta uu shirku socdo.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa xubin firfircoon ka ah ururrada heer gobol iyo caalami ee ay ku midaysan yihiin Hay’adaha Hantidhawrada Guud ee kala duwan.

May be an image of 4 people, people sitting, suit and indoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*