27th April 2024  admin  Category :

Taliye ku xigeenkii Saldhiga Bartamaha Magaalada Bosaaso oo Goordhowayd La Dilay.

Kooxo hubaysan ayaa bartama Magaalada Bosaaso ku dilay alla haw naxariistee Taliye ku xigeenkii Saldhiga Bartama ee Magaalada Bosaaso, oo ka soo jeeday beesha Warsangelui

Kooxo afka soo duubtay ayaa bartamaha magaalada ku si bareer ah ugu toogtay Taliye xigeenka saldhiga bartama oo lagu magacaabi jiray Cabdi Dheere,iyagoona isla markiiba goobta ka baxday.

Ilaa iyo iminka Maamulka Degmada iyo Kan Gobolkuba kama aysan hadlin dilka Marxuumka.

Dilkan taliyaha ayaa noqonaya dilkii Sadexaad oo mudo 24.saacadood ah ka dhaca gudaha Magaalada,iyadoona ilaa hada aan cid loo qaban dilalkaas tirada badan leh.

Bosaaso kooxo hubaysan ayaa dilay Taliye Ku xigeenkii Saldhiga bartamaha Bosaaso Cabdi Dheere

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*