27th July 2024  admin  Category :

 

Ma taliye ciidan Soomaaliyeedbaa mise waa nin reer Xasan Culusoow u shaqeeya

Taliyaha sheegta inuu yahay taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Maxa’ed Sheekh Xasan Xaamud,oo aan ka tacsiyadeen geeridii Sarkaal ka mid ahaa Ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo dhowaan la dilay ayaa hadda ku jira ololihii lagu soo  dooran lahaa xasan Culusoow

Taliska Booliiska Somalia, ayaa ku biiray ololaha doorashada Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Xasan Culusoow kadib markii xubno aad ugu dhow ay kusoo baxeen doorashooyinkii labada aqal ee ka dhacay maamul goboleedyada dalka qaybtood.

Taliyaha ciidamada Booliiska Somalia, Jen Maxa’ed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa goob fagaaro ah ka sheegay inay jiraan Saraakiil Bilays ah oo ku jira labada Aqal ee Barlamanka waddanka kuwaasoo codadkooda ku tashan doono madaxweyne Xasan.

Xaamud oo ka hadlayay xaflad lagu xusayay Aas-Aaska ciidamada Booliiska Somaliyeed oo shalay ka dhacday Muqdishu, ayaa cadeeyay in codadkaasi oo matalaya ciidamada Booliiska meel loo dhigay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday.

Dadka taliyuhu magac dhabay, waxaa kamid ah; Cabdi Qaybdiid, Shariif Sheekhuna Maye iyo Maxa’ed Ibraahim Cabdi Daayeeshe.

Daayeeshe, waa Sarkaal Booliska oo kamid ahaa xubno dhawaan uu dalacsiiyay Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

https://www.facebook.com/booowe/videos/1205245542893506/

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*