27th July 2024  admin  Category :

Gaashaanle dhexe Mohamud Mohamed Ahmed (Qalaf),  waa Taliyaha Kontaroolka Boosaaso, waa taliyihii hor istaagay in Dadqalatooyinka dhiig miiratada ahi ay gudaha u galaan magaallada barakaysan ee Boosaaso oo qaab qabyaaladaysan dadka ugu xasuuqaan.  Halka  taliyaashii joogay magaalooyinka  Garowe iyo Gaalkacayo ay ka seexdeen howshII loo xilsaray.

kadib marki maanta ciidamada amaanka Kantaroolka Boosaaso qabteen Gaari candh maydla ah ,isla markaana laga soo raray magaladda Baladweyne sidayna Qudaar iyo Qaraxyo ay qabteen Ciidamada amaanka Kantaroolka Boosaaso ayaa waxaa durba Sarakisha Amniga ay sameyen talaaboyin xoogan.

Gen Muxiyadiin Gacmay oo Ah Taliyaha la dagaalanka Aragagixisada ayaa maanta Gabi ahaanba ka badalay Askartii ilaalinaysay Kantaroolka Koonfureed ee Magaaladda Garowe ,iyado lagu badalay ciidamo Cusub oo u taagan sidii Gawaarida Qaraxyada sida aysan u dhaafin.

Taliye Muxiyadiin ayaa ku amray Askartan Cusub ee la wareegay Maamulka Kaantaroolka Koonfureed inay baraan gabi ahaan Gawaarida soo galaysa Garowe ee ka imaanaysa Koonfurta somalia ,gaar ahaan kuwa sida qudaarta isla markaana dhulka soo dhigaan waxyabaha saaran Gaariga.

Talabadan ayaa noqonaysa mid lagu adkaynayo amaanka iyo kantaroolada Puntland maadama maanta Gaari sida Qaraxyo aad u culus ciidamada amaanka Kantroolka Bosaaso gacanta ku dhigeen,iyadoo lagu Baaqay dowladda Puntland abaal marin iyo dalacsiinba la siiyo ciidamadii qabtay Qaraxyadaas lagu gumaadi lahaa shacabka xalaasha ah ee Boosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*