26th July 2024  admin  Category :

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere  oo kormeer ku maraya gobolka Sanaag

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa maalmihii lasoo dhaafay kormeer Shaqo ku marayey Gobolada #Sanaag#Haylan iyo Ciidamada ku sugan Buuralayda Gobolka Bari sida Galgala iyo Af-urur.

Safarka Taliyaha waxaa ku weheliyey S/Kiisha Qaybta 9aad Sanaag iyo Hayland 1- Taliyaha Qaybta 9aad S&H S/guuto C/laahi Cumar Cashuurr 2- T Guutada 99aad G/ Sare Xuseen Dheere 3- T Ururka 8aad qbta 9aad G/ Dhexe Guray 4- T Dugsiga Tababarka Badhan G/dhexe Sahal iyo Abaanduulaha Qaybta 7aad G/Sare Sharmaake Shiikhdoon.

Taliyuhu wuxuu kulamo la yeeshay ismada Gobolka oo ugu horeeyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalan Cali shire iyo cuqaasha deegaanadaasi.

Ujeedada safarka Taliyaha ayaa lagu sheegay u kuurgalida iyo qiimaynta xaalada amni iyo dardar galinta shaqo ee ciidamada ku sugan jiidaha hore ee goboladaasi,

Image may contain: 1 person

Waxa xusid mudan Taliyuhu intu joogay Badhan inu xaliyey xiisad markaasi taagnayd oo ahayd Gaari Layla calaawi ah (landgruser) oo laga soo dhacay maamulka Somaliland kadib markii ay qabteen ciidamada ku sugan jiida hore ee Sanaag waxaana dib loogu celiyey wasaaradii lahayd si xirrika amni iyo wadashaqaynta Ciidamada dhanka amniga ah loo xoojiyo.

Image may contain: one or more people and outdoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*