29th March 2024  admin  Category :

Taliyaha Ciidan Booliska Oo Booqday Deegaank Qaw ee Gobolka Bari.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax Erag oo wali ku guda jira Kormeero uu ku kala bixinayo Xarumaha   Booliska Gobalka Bari ee Puntland ayaa maanta tagay  Deegaanka Qow oo Qiyaastii  40 KM u jira Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobalka Bari.

Taliyahaya  ayaa u jeedka kormeekiisa Qow ku sheegay Tirakoobida Ciidama Booliska ee Deegaankaasi iyo bixinta wacyigalin la xiriirta  isfahamsiinta shacabka iyo Booliska Deegaanada ka baxsan Laamiga ee  ka tirsan Gobalka Bari.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. Erag ayaa booqday Dekadda Bossaso oo ay   ku so dhaweeyen Taliyaha Ciidamada Dekadda Bossaso Maxamed Cali Xaashi  iyo Saraakiil kale,isagoona kulan gaar la qaatey Madaaxda Dekada ,ayna ka wada  arinsadeen sugida Amniga Dekada iyo taynta Ciidamada ka Howl-gala Taliska Booliska Dekada Bosaso ee Xarunta Gobalka bari.

Dhinac kale Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland ayaa Booqday Kaantaroolka  Laag iyo kan laga so galo Magaaladda Bossaso oo kullamo gaar-gaar ah kula qaatey Taliyaasha ciidamada,kuwaaso inta badan uu kala hadlayay in la xoojiyo baarintaanada Gaadiidka iyo Rakaabka ay sidaan iyo sidii Cidii ay ka shakiyaan  baarintaano ugu samayn lahaayen,iyagoo ilaalinaya Sharciga iyo Xuquuda Mawaadinka.

Ugu Danbayntii.Taliyaha Booliska Puntland ayaa Dhamaan Saraakiishii Ciidamada ee u la kulmay uga waramay qaabka ay u noqon karaan Macalin Tusaale u ah ciidamadooda kuna dayndaan ,iyadoona qaabkaasi uu raaciyay in Ciidamada markii u dhamaado Tirokoobkoodu uu Abaal-marino siindooono Saraakiisha sida wanaagsan Dadka iyo Dalka ugu  shaqeeya.

SAWIRRO

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

unnamed-4 unnamed-5

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*