29th March 2024  admin  Category :

Talaalka Cocid 19ka ee lagu soo sameeyey dalka Shiiinaha ayaa Soomaaliya la keenay

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo degtay maanta diyaarad siday tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee lagu farsameeyay dalka Shiinaha.

Tallaalkan oo gaarayay ilaa 200,000 xabbo oo nooca Sinopharm ah ayaa waxaa lagu wareejiyay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Fowziyo Abiikar ayaa talaalkaan uga mahadcelisay dowladda China sigaar ah safiirka u dhafiyo Soomaaliya Mr Qin Jian oo talaalka ku wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Dhawaan Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa la saxiixday Shiinaha heshiis tallaalka looga hortago cudurka COVID-19 shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha lagu keenayo Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*