26th July 2024  admin  Category :

Yaa Soomaaliya u soo waariday dagaalka Shiinuhu isku hayaan ee Bariga fog?

Dagaalka qabow ee dhaqaalaha ee Caalamka maanta ka jira, una dhaxeeya reer galbeedka iyo Shiinaha ayaa waxa loo soo raray Soomaaliya, iyadoo ay haba yataayee Soomaalidu intooda badan ayna waxba kala socon.

See the source image

Jazeeradda Taiwan, oo ay inta badan reer galbeedku taageeraan, lana mid ah falaagada Somaliland oo aan laga aqoonsanayn Qaramada midoobey, ayaa reer galbeedku farta ugu fiiqeen maamulka ISAAQLAND oo ay ku ogaayeen dhega nugul fiican iyo inaanay matna maya dhihi doonin wax kasta oo ay ka dalbadaan maamulkaas , sidaas awgeed ay xiriir la samaystaan , si aan Shiinuhu saamayn ugu yeelan geeska Afrika

Shiinaha, oo arintan ka caraysan oo ilaashanaya ilihiisa dhaqaale ee mustaqbalka, ayaa isaguna Soomaaliya oo markii horeba hubku ku badnaa u soo daabulay hub kale si ay Soomaalidu danihiisa u ilaaliyaan oo meesha looga saaro Taiwan oo reer galbeedka xiriir la leh.

Image

Dawladdii Soomaaliya, oo markii horeba itaal darnayd, hogaanka u hayeen iimaan laawayaal aan waddaninimo lahayn , ayna u sii dheer tahay khilaaaf dhexdooda ka jiray oo ahayd inay ilaaliyaan mustaqbalka Soomaaliya iyo danaha Soomaalida, xitaa waa ka hadli waayeen falaagada SOMALILAND ee Maraykanka u joogta kala goynta Soomaaliya. Iska daa inay ka hadlaane, waxay u fududeeyeen socdalkooda oo waxay siiyeen Baasabooro ay ku safraan

Hadduu ayna jirin Dawlad Soomaaliyeeda ee xoogan oo dadka iyo degaanka difaacaysa sidee u arkaan beelaha Soomaaliyeed?

Beesha Isaaq, hadaba si fiican ayeey uga faaiiday xiriirka Taiwan oo waxay ku heshay hub, lacag, mashaariic horumarineed iyo albaabo badan oo u furmay.

See the source image

Beesha Hawiye, iyaguna siddii Turkiga ayeey isbaaro u dhiganayaan hubkan shiinaha, deeqaha waxbarasho iyo mashaariicda horumarineed. Haddii ay aaminsan yihiin dawlad Soomaaliyeed ee xoogan dawladdii jirtay ma burburiyeen, mid kalena ma diideen, Caasimadana uma haysteen afduub ay Soomaali inteeda kale ku haystaan

Mar kasta oo Shiinuhu hub keeno Soomaaliya, reer galbeedku iyaguna waxay sii kaalmeenayaan ISAAQLAND, ilaa ay dantooda gaarsiiso in aqoonsiga SOMALILAND ay ugu badiso.

https://youtu.be/1PrjFEhwykI

Beelaha Daaroodka, sidii deeqihii Turkiga iyo Qadar, waxay iyagu maanta ka yihiin daawadayaal dagaalka u dhaxeeya Shiinaha iyo reer galbeedka ee ka socda Soomaaliya dhexdeeda . Jabka ugu weyn wuxuu soo food saari doonaa bulshada gobolada Sanaag iyo Sool oo xoog dhaqaale iyo hub laga helay xulafada Taiwan lagu muquunin doono, si khasab aha ku raaci doona ISAAQLAND

Ugu danbayntii, sida qura ee looga hortagi karaa USC iyo Shiine wada Socda iyo SNM iyo Taiwan wada socda waa in la xoojiyaa maamulka Puntland, lana taageeraa madaxweyne ka shaqaynaya danta Soomaaliyeed oo ka duwan kuwa hadda jooga, si loo ilaasho danta iyo midnimada Soomaaliya

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*