6th February 2023  admin  Category :

Allah ha u naxariistee Janaraal Cali Ismaaciil oo maanta dalka Turkiga ku geeriyooday wuxuu caalamka uga tegay dhaxal qoraal oo isugu jira Buugaag Iyo maqaalo lagu dabaacay Machadyada istaraatijiyadaEe Italy, Egypt Iyo Russia.

Wuxuu ahaa ehlu-diin ku dhagan Kitaabka Eebbe Iyo sunnada Nabi Maxamed Csw.

Wuxuu ahaa Janaraalkii ugu da’da yaraa Soomaaliya Ee qaata Darajada Janaraalnimo 1977. Isla dagaalkii Ethiopia Iyo Somalia 1977 wuxuu qaatay Bilad geesi.

Burburkii dalka kaddib wuxuu u soo boqoolay Gobolka Bari halkaas oo uu ka bilaabay Samafalo isku jiray Arrimaha Bulshada Oo uu Kaalin muuqda ka qaatay.

1997/98, Janaraal Cali Ismaaciil ayaa ka qeyb-qaatay dhismihii Puntland. Janaraal Cali Ismaaciil wuxuu ahaa Nabadoon Jecal nabada Iyo Wadajirka isagoo had iyo goor kamid ahaan jiray guddiyada nabada.

Janaraal Cali Ismaaciil ayaa kamid ahaa guddiga wadada Ceeldaahir Ceerigaabo. Janaraal Cali Ismaaciil wuxuu ahaa Oday aaminsan Qowmiyada Soomaalida mar walibana maanka ku hayay Midnimada Soomaaliya. Wuxuu kamid ahaa Odayaashii ka qeyb-galay Shirkii Carta.

Janaraal Cali Ismaaciil ayaa bixiyay Dhulal danguud oo aan ka xusi karo Dhul uu siiyay Jaamacada Mogadishu Ee hadda loo yaqaan Badacas. Runtii lama soo koobi karo taariikhdii \ Janaraal Cali Ismaaciil Eebbe ha u Raxmado oo Maanta Ankara Turkey ku geeriyooday. Qoyskeena waxaa maanta ka geeriyooday Oday Soomaaliyeed. Eebbow Janadaada nagu kulmi.

Haddaanu nahay Shacabka gobolka Sanaag oo Jeneraalku si iskaa wax u qabso ah ugu shaqaynayey waxaan tacsidan tiiraayada leh la wadaagaynaa Umadda Soomaaliyeed Walaalahyo Axmed Harti, Bulshada Puntland , Qoyskii iyo qaraabaddii uu ka geeriyooday Jeneraalku

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*