23rd January 2026  admin  Category :

Allah ha u naxariisto Macalin Tuke oo ku geeriyooday muqdisho

Waxaa maanta geeriyooday Allah ha u naxariistee taba-bare Abdullahi Hassan Salah oo loo yaqaanay “macallin Tuke” oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee wadanka Soomaaliya.

Macallin Tuke ayaa ahaa khabiir kubadda cagta, taariikh fogna ku leh kubadda cagta Soomaaliya.

Macallin Tuke ayaa ahaa macallin aad looga yaqaano shanta Soomaaliyeed gaar ahaan wadanka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee macallin Tuke wuxuu ahaa mid kamid ah macallimiintii kubadda cagta Soomaaliya ugu caansanaa, isla markaana qeyb weyn ka soo qaatay horumarinta sportiga wadanka Soomaaliya.

Aniga oo ku hadlaya magaca bahda sportiga Soomaaliyeed ee wadanka Finland waxaan tacsi u dirayaa qoyska macallin Tuke gaar ahaan Hassan Tuke iyo Mohamed Tuke.

Abdullahi Abdishukri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*