19th April 2024  admin  Category :

Allah ha u naxariistee Dardaarankiisii waxa ka mid ahaa in Soomaalidu ilowdo Calanka Buluuga ah ee leh  shanta xidigood

Inaa lilaahi wa Ina ilaahi ilaahi raajicuun allah u naxariisto Abwaan Col. Maxamuud Cismaan “Fool-dhuub”

Waxaa ku geeriyooday magaalada Dhahar Abwaan/Gaashaanle Sare Maxamuud Cismaan Fool-dhuub (Jiifka).

Sooyaalkiisii nololeed intaan ka aqaan, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii Ciidankii Xoogga Dalka, wuxuuna ka soo shaqeeyey Qaybtii 21aad ee Dhuusa-marreeb, Qaybtii Waqooyi ee 26aad iyo Qaybo kale oo ka mida waaxyihii CXD; wuxuu ka mid ahaa Ciidankii dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1964 kii ka qayb qaatay iyo kii dambe ee 1977 kii wuxuuna ku qaatay billad geesi iyo dallacsiin uu ku mutaystay dagaalka iyo guubaabinta ciidanka maddaama uu ahaa hal-abuur iyo suugaan yahan.

Wuxuu kale oo ahaa Abwaan iyo Suugaan yahan sameeyey heeso badan oo hobolladii Waabberi iyo Horseed oo ahayd kooxdii Ciidanka ay ku luuqeeyeen kuwaas oo isugu jiray waddani, guubaabo, jacayl, jihayn iyo hoga-tusaalayn; waxaana heesahaas qaaday Fannaaniin waaweyn oo ay ka mid yihiin Hibo-nuuro oo qaadday heesta ( Katashada Cadaawaha oo Isku Tiirsanaada) iyo Cabdi Tahliil oo (Afar iyo Tobnaad Bila Dayax Waaga Berin Kara) waxaa iyana jira heeso kale oo badan oo aanan xasuusan.

Intii bur-burka iyo qaran-jabka weyni dhacay wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaashii Puntland yagleelay oo dhidibbada u taagay, ogaalkay wuxuu mar soo noqday Taliyaha Qaybta Bilayska ee Gobolka Bari intii ka dambaysayna wuxuu ahaa hawl-gab noloshiinna intii dambe wuxuu ku nolaa Dhahar oo uu beer-guri kulahaa halkaas oo dadka uu ku casumi jiray.

Rabbi naxariistii janno ha ugu deeqo Maxamuud Cismaan Fool-dhuub (Jiifka) ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan Eebbe ha ka siiyo.

Wuxuu ahaa halyeey Soomaalida ku wayn…

Ruwaayaduhuu sameeyey waxaan ka mid ahaa

1) Dar xuma Iyo nin diidan dagaal baa u dhexeeya ( waxaa ku jiray hoobalo caan ka noqday gayiga Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Hiba Nuura oo kusoo baxday ruwaayadaas oo ahayd 1971 heestii “katashada cadaawuhu oo isku tiirsanaada” waxaa kaloo ku jiray magool Iyo hoobalo kale )

2) Ruwaayadii Inta laygu gafaayo guurku hay dabranaado: ( waxaa ka mid ahaa “kalgacaylka geeskaaga abaayo marna yuu ku gees marin Iyo heestii Hadii aan waraaqaha kuugu dhiibo wariyaha ee Faadumo Duur”)

3) Ma dhabbaaJacayl waa loo dhintaa:

4) Weesha gawrac dibigu ha ku quustee:

5) Ruwaayadii Qalad Iyo Qoomamo:

6) Dakana Caashaq Ma Duugowdo:

7) Ruwaayadii Eeri-dhaban

Wuxuu alifay heeso iyo riwaayado kala duwan oo miisaan leh. Waxaana ka mid ahaa heesaha uu alifay.
1 Katashada Cadaawaha isku tiirsanaada oo ay Hibo Nuura qaaday 1971.
2 haddii aan waraaqaha ugu dhiibo weriyaha oo ay qaaday Faadumo Duur.
3 Mar haddaynu galabtaba goobayno sheekada caawa aan gam’aayaa oo ay wada qaadeen Ibraahim Baadil iyo Faadumo Duur.
4 Dayax 14-aad oo uu Cabdi tahliil qaaday , iyo riwaayado ay ugu caasanaayeen.
Dar xuma Iyo nin diidan dagaal baa u dhexeeya iyo Ma dhabbaa Jacayl waa loo dhintaa?

Ka tashada cadaawaha

https://youtu.be/i-sh1hvNbo0

Iyo ruwaayado kaloo badan.. allaha u naxariisto Abwaanka Eheladiisana allaha sabir Iyo iimaan Allaha kasiiyo Aamiin

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*