26th July 2024  admin  Category :

Warshada kalluunka Laasqoray ,Gobolka Sanaag Somalia, waxa lagu dhisay heshiis iskaashi oo dhexmaray dawlada JDS, iyo dawlada Midowga Soofiyeeti.
Dhismaheeda iyo mashiinada lagu aasaasay oo aanay ku jirin laashashka iyo hubka kalluumaysiga waxa lagu qiyaasay kharajka ku baxay lacag dhan 42 malyuun oo shilin Somali ah.

Warshada waxa dhismeheedu dhamaaday 1968 kii , tacab soo saarkeedena waxa uu bilaabmay bilowgii 1970 kii iyadoo tijaabo ahaan maalin walba u qali jirtay laba (2) tan oo kalluun ah , intkasoo ay qali karaysay <<20>> tan maalintii!

Warshadu waxa ay tijaabo ahaan ku shaqynaysay sadex xilli ( season). Mudada ay tijaabada ku jirtayna waxa haleelay laba duufaan sanooyinkii 1971 kii iyo 1972.
.
Dufaanadan waxa ay warshada ka curyaamaiyeen xagga gaadiidka kalluunk lagu soo qabto, ceelasha biayaha macan iyo dhismaheediiba!

Tacab soosaarkii Sanad laha ee Warshada Laasqorau 1971-1975:

Sanadka Ten
1971-1972 377 521,000 qasaac 1.002.000 sh.
1972 -1973 435 818,000 qasaac 1.528.000 sh
1973-1974 614 1654.000 qasaac 3.197.000 sh
1974 -1975 1533 3.501.000 qasaac 8.371.1000 sh

Halkaa waxa aad kala soo baxaysaa sida wax oo saarida warshadu ay u kobaysay sannadba sannadka ka danbeeyay.
Wax soosaarka warsahada, in yar oo laga isticmaalo wadanka gudihiisa mooyee waxa badankiisa loo dhoofinjiray dalalaka dibada ama waxa lagu gadi jiray dalka gudihiisa.

Warsahadu waxa ay isticmaalaysay waqitigaa 70 laas oo ka dhexeeyay iyada iyo Shirkada kalluunka Somaliyeed!

Inkastoo aanaay warbixinta ku cadayn tirada guud ee shaqaalaha warasha Laasqoray ka shaqaynasay, hadana tiradaka kaliya ee laashashaka ka sahqaynayay waxa ay dhamayd 350 qoff!

Tixraaca warbixintan:
Waa waa warbixin dawlada Somalia ka qortay 1976 kii warshada iyo warbixino ay ka qoreen dawladihii gacanta ka gaysatay samaynata warshada.

xuuquuqda qoraalkan!
sawirada wxaan ka soo qaaday bogga Hassan Mohamud ,Mustafe Maacire Maacir iyo Osman Shireh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*