14th March 2026  admin  Category :

Taariikhda madow ee Aaranjaan ee ku dhisan danaysiga ayaa bilaabatay markii xididdada looga siibay siyaasadda Puntland. Xilligaas, waxay danaynayeen in aan Somaliland lagaga adkaan dagaalkii Laascaanood; hase yeeshee, markii Somaliland laga adkaaday, waxay salaan ka dhigteen Dhulbahante, iyagoo uga faa’iidaysanaya dagaalka uu Xasan Sheekh kula jiro Puntland.

Waxay Xasan Sheekh ku qanciyeen in meesha keliya ee Puntland laga dhibaatayn karo ay tahay in gacanta lagu dhigo talada Dhulbahante, taas oo u hirgashay, kana dhalatay khilaaf ka dhex abuurmay bulshada Dhulbahante, ha noqoto dhinaca dhaqanka iyo siyaasiyiintaba, ilaa haddana aan xal laga gaadhin.

Xasan Sheekh ayaa cadeeyey, waraysi uu siiyey Al-Jazeera, in uu weli doonayo in Hartiga Waqooyi ka mid ahaadaan maamulka la magacbaxay Somaliland, taas oo caddeyn u ah in Xasan Sheekh doonayo in Dhulbahante la go’doomiyo si ay ugu sahlanaato in Somaliland weerari karto.

Waxaa is waafaqay danaha Xasan Sheekh, oo doonaya cid kasta oo Puntland rabta in ay dhibaatayso, iyo danaha Aaranjaan, oo ah in ay helaan meel ay Puntland kaga soo duulaan.

Marka la isu geeyo waraysiga Xasan Sheekh iyo ficillada Aaranjaan, waxaa bulshada Dhulbahante, gaar ahaan intii aan hore u fahmin dibindaabyada Aaranjaan, u cadaatay in Xasan Sheekh iyo Aaranjaanba ay yihiin cadowga Dhulbahante.

WQ Wasiirka warfaafinta Puntland Hon. Mohamud Aidid Dirir 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*