29th March 2024  admin  Category :

Waxaa maalmahan soo baxay dad ka faa’iideeystay kufsi dhawaan ka dhacay mid ka mid ah deegaanada Puntland. Dadkan iska dhigaya ineey yihiin dad ka naxaya shacabka Puntland ayaa hadafkooda uggu weeyn wuxuu yahay sidii ay sumcadda Puntland meel uggaga dhici lahaayeen.

Dadkaas iyagga ah waxaa kufsi aan kalla joogsi laheen uu ka dhacaa deeggaanadooda, manna aha kuwo ka hadla dhacdooyinkaas foosha xun ee lagu sameenayo hablaha Soomaaliyeed ee deegaanadooda lagu kufsado, waxaana munaafaqnimo ah qof deeggaankiisa lagu kufsanayo hablaha Soomaaliyeed oo aan u danqaneen in maanta uu isaga dhigo qof xabiib ah oo ka naxaaya hablaha Puntland waa mid ayaan darro ah.

Kuwaas doonaya ineey sumcadda Puntland hoos u dhigaan ayaa dhacdadaas iyagoo ka faa’iideeysanaya waxeey xitaa u turjumeen English si caalamka ay ugga dhigaan ineey Puntland tahay meel dumarka xuquuqdooda meel looga dhaco.

Hadaba arrinta ka dhacday deegaanada Puntland waa mid ay u taal shacabka iyo dawladda Puntland, dadkii geeystay falkaas foosha xunna waa kuwo la marsiin doonaa ciqaabta ku haboon.

Dadkaa iska dhigaya ineey haweenka Puntland ka naxayaan maxeey ugga danqan waayeen hablahaan muuqaalada hoose lagaga warbixiyey kuwaas oo wax loo qabtay aysan jirin?

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*