26th April 2024  admin  Category :

Haddii qof Daarood ah madaxweeynaha soo socda ee Soomaaliya loo doorto Muqdisho waxeey noqon doontaa meel qaraxa iyo ballaayada ka dhacdaa la yaabi doono; hadalkaas waa hadal ka soo baxaya maalmahan qaar ka mid beelaha USCda kuwa ku abtirsada.

Balse waxeeysa yiraahdeen, haddii qof beesha Hawiye loo doorto madaxweeynaha Soomaaliya, xaallad kacdoon ma dhici doonto, Muqdishana waxeey ka badbaadi doontaa in ballaayo ay ka dhacdo. Si arrintaas iyada ah dhagaha loogu shubo shacabka USCda ayaa waxaa la soo qaatay qoraalo la leeyahay Itoobiyaa ku sameeysay cilmi baarid, waxeeyna sheegtay haddii qof Daarood ah madaxweeynaha Soomaaliya loo doorto in nabadda yar ee Muqdisho ka jirtaa ay dhiman doonto, waxeeyna beelaha Hawiye u diyaar garoobi doonaan dagaal.

Kuwa sidaa u fakiraya waxeey illoowsan yihiin in dalka lawadda leeyahay oo marba qoladii ku soo baxdaa ay tahay ineey aqbalaan kuwa kalle. Waxaan wada ognahay in sannadihii la soo dhaafay ay madaxweeynayaal ka soo noqdeen dalka Soomaaliya Ca/qaasim Salaad, Shiikh Shariif, iyo Xasan Shiikh oo ka soo wada jeeda dhamaantood beelaha Hawiye, waxeeyna dhamaantood ku fashilmeen ineey xittaa magaalada Muqdisho ka dhigaan meel amnigeeda uu suggan yahay, wax kallana iskaba daa, marka dadka jecel in qof USCda ka tirsan uu xukunka qabto, miyeeysan arag tijaabaadaa ay ku fashilmeen raggaas madaxweeynayaasha soo noqday.

Waa maxay sababaha beelaha USCda ay ugga baqayaan haddii qof Daarood ah xilka loo doorto? Waxaa dhab ah in haddii qof Darood ah xilka madaxweeynaha Soomaaliya loo doorto ay dhici doonto:

In Muqdisho lagga dhigo meel amnigeeda uu suggan yahay;

In argagixisada Shabaab laga xoreeyo dalka oo dhan;

In AMISOM aan lagu arag wadanka Soomaaliya, lana abuuro ciidan qaran;

In dawladnimadda waxeey tahay laga dareemo meel kasta;

In mooshin iyo iska daba wareeg aan dib loogu arag dalka;

In dastuurka dalka la dhameeystiro;

In 4.5 daaqada laga saaro;

In dalka la gaarsiiyo qof iyo cod;

In xisbiyo qaran dalka laga sameeyo;

In dadka oo dhan dib u heshiisiin loo sameeyo;

Waxaan is leeyahay waxaa haboonaan laheed in beelaha USCda ku abtirsadaa ay u doortaan xilka madaxweeynaha Soomaaliya qof ka tirasan beelah Daarood maadaama ay iyagii ku fashilmeen ineey keenaan wax isbeddel ah oo xittaa ay awoodi karri waayeen in Muqdisho ay hesho amni waara.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*