26th July 2024  admin  Category :

Odayaal ka tirsan beesha Cumar ee Warsangelli ayaa ku eedeeyey Suldaanka Guud ee Warsengelli inuu ku tagri fallay qaabka uu u maamulay kuraasta baarlamaanka federaalka, mana jirto wax tartan ah oo loo gallay kuraastaas. Kuraasta ayeey aheed in lagu tartamo sababtoo ah waxaa jirra dad badan oo doonaya ineey ka mid noqdaan baarlamaanka, balse haddii shaqsiyaad gaar ah la iska siiyo taas waxeey bannaanka dhigeeysaa dadka kalle ee diyaarka u ahaa in lagulla tartamo kuraastaas.

Hoos ka daawo Suldaanka beesha Warsangeli   oo Xildhibaano u soo xulaya maamulka doonaya inay Soomaali inteeda kale ka go’aan . Maamulkan Suldaanku xildhibaanada u soo  xulayo  ee SNM ayaan aaminsanayn midnimada Soomaaliya iy Dastuurka lagu soo xulayo xildhibaanada federaalka Soomaaliya, Sharci ahaan qof aaminsan inuu Soomaaliya kala gooyo ama gacan saar la leh koox doonaysa inay Qaranka Soomaaliyeed burburiyaan   sida u soo xulayo Xildhibaano federaal ah waa in guddiga doorashooyinka Puntland iyo midda heer Qaran ay  ka jawaabaan

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*