26th July 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta Beesha Axmed Harti goormay fursad siyaasaded  heli doonaan?

Siyaasi kasta oo ka soo jeeda beesha Axmed oo xil ka soo  qabtay  maamulka Puntland, ayaa madaxdii Puntland soo martay iyo kuwa hadda joogaab  waxay xilka ka qaadaan  isaga oo aan lagu soo eedayn xatooyo xoolo dadweyne  colaad hurin, musuqmaasaq  qabyaalad. Sababta ugy weyn in  xilka looga  qaadayo  ayaa waxa u fududeeya in siyaasiga beesha Axmed Harti  uu  Baarlamaanka Puntland ku leeyahay  sadex Xildhibaan halka  madaxda xilka qaadaysa ayiyagu baarlamaanka Puntlandku leeyihiin  33 Xildhibaan, Taasina ay keentay caddalad darada ka jirta Puntlan iyo in  Gaas iyo Cade Muuse ay  ilaawaan in Puntland la wada dhistay

Halkan Hoose ka Akhriso,Kana Daawo Warbixin Kooban oo Ku Saabsan Waxqabadkii Wasiirkii Hore ee Dekedaha Puntland C/laahi Jaamac Saalax.

Tan iyo intii uu Xilka Hayay Wasiirkii Hore ee Wasaarada Dekeha,gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Mudane.C/laahi Jaamac Saalax ayaa Waxa uu qabtay Waxqabad Muuqda oo Dhaxalgal ah kaas oo Shacabka Puntland iyo  Shaqaalaha Wasaaradu ay ku xusi doonaan,isagoona lagu Xasuusan doono Hanaankii Shaqo Wanaag ee Gudaha Dekeda Magaalada Bosaaso ka Socday.

Intii EX.Wasiir C/laahi Jaamac Saalax uu Wasaarada dekedaha  joogay  Waxa la oran karaa Waxa Socotay Shaqo Baaxad leh taas oo ahayd Shaqo Habeen iyo Maalinba aan kala Joogsi lahayn.

Dhamaan Waxa Hoos u dhacay Weeraradii Burcadbadeeda,taas oo ay La Dagaalankeeda ay Iskaashadeen Ex.Wasiir C/laahi iyo Maraakiibta Shisheeye ee ku sugan Biyaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa xeebaha Puntland ku sugan.

Docda kale Waxa iyana Kor u qaadis lagu Sameeyey Tayada Dhamaan Shaqaalaha ka Howlgalla Gudaha Dekeda Magaalada Bosaaso,iyadoona EX.Wasiir C/laahi Shaqaalaha uu kusoo rogay inay Shaqaysan karaan 24-Saacadood Qofkii Awooda.

Sidoo Kale X.Wasiir C/laahi Waxa uu La Dagaalamay gebi ahaana Mamnuucay Musuq maasuq Baaxad leh oo Dekeda Magaalada Bosaaso intii ay jirtay ka jiray,kaas oo gebi ahaanba uu Meesha ka Saaray,iyadoona marar badan  khilaaf ku saabsan  La Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Gudaha Dekeda  uu Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.C/xakiin Camey iyo Wasiirka uu soo kala dhexgallay,iyadoona Ex.Wasiir C/laahi Jaamac Saalax uu Mowqif Cad ka qaatay La Dagaalanka Musuqmaasuqa iyo La Dagaalanka Burcadbadeeda.

Waxa Xusid Mudan intii uu Xilka Hayay Dekeda Magaalada Bosaaso inay Yeelatay Qasri Casri ah oo ka kooban Labo Dabaq,isla markaasina ay ka wada howlgallayaan Shaqaalaha Wasaarada Dekedaha iyo Laamaha Amniga ee Dekeda Magaalada Bosaaso.
Halkan Hoose ka Daawo Dhismaha Casrigan ee Wasiirku ku Guuleystay Dhismihiisa

.

dsc_0029dsc_0045dsc_0046dsc_0051dsc_0052dsc_0082dsc_0090dsc_0092dsc_0101dsc_0009dsc_0016cabdulaahi-jaamac-saalax

Dhismahan intii Wasiir C/laahi uu xilka hayay lagu guulaystay dhismihiisa ayaa ah Mid Si Casri ah Loo Qalabeeyey,isla markaasina Leh Aalad Kasta oo Lagu Sugi karo Amniga Guud ee Dekeda iyo Gudaha Biyaha Badda.

Ex.Wasiir C/laahi Jaamac Saalax Waxa uu qeyb libaax leh ka qaatay Dhismaha Qaar ka Mid ah Degmooyinka Puntland Sida Degmada Bosaaso iyo Waaciye,isagoona Dhanka Dowlada iyo Beelaha Qaar u kala Dabqaaday.

Halkan Hoose ka Daawo Ex.Wasiir C/laahi Jaamac Saalax oo Qeyb Libaax leh ka Qaatay Guusha Laga gaaray Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Waaciye oo Mudo badan Dhismaheeda Lagu Guuldaraystay.

https://youtu.be/myVOMLhEqvI

Deegaanada Magaalada Laasadawaco oo Shaqaaqooyin ka dhaceen ayuu wasiirku ku guulaystay damintooda,isagoona kulamo kala duwan oo amuurtaasi wax looga qabanayo dhowr mar la yeeshay Waxgaradka Magaaladaasi.

Halkan Hoose ka Daawo Kulan dhexmaray EX.Wasiir C/laahi iyo Waxgaradka Magaalada Laasadawaco.

Waxqabadkii Ex.Wasiir C/laahi Mudadii uu xilka hayay Laguma Soo Koobi karo qoraal balse Warbaahinta Raadreeb.com Waxay soo koobtay Waxqabadkii Wasiirka oo Sabab La,aan Xilka Looga Qaaday,isagoona aysan jirin eedayn Shaqo iyo Mid dadweyne ba.

Daawo Ex.Wasiir C/laahi Jaamac Saalax oo Dowlada Jabuuti ka Gudoomay Markab Taag oo Dekeda Magaalada Bosaaso Waxbadan ka qaban doona Shaqada Dekeda Bosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*