28th March 2024  admin  Category :

Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Oo duleedka Magalaada Garoowe kusoo dhaweeyey wefti kasoo kicitimay gobolka Sanaag, oo uu hogaaminayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan

One thought on “Suldaan Siciid oo soo gaaray Garowe

  1. Cismaan Cawad

    ** YAA SALAAM BAHDA ALLSANAAG! **

    Walaalayaal mahadnaq aan la qiyaasi karin baan hawada macaan ee Maakhir idiin soo marinayaa. Maanta guul weyn ayay tolka reer Maakhir iyo tolweynaha kale ee u daneynaya u tahay mar haddii Allsanaag la inoo casriyeeyay oo dadweynaha loo fasaxay in ay ku haasaawaan. Farqiga u dhexeeya Allsanaagtii dorraato iyo tan maanta xaqiiqdii waa kaaf iyo kala dheeri oo aniga iyo in badan oo akhristeyaashiina ahaa farxad aan la koobi karin ayay inoo tahay .

    Daaqad neecaaw ah ayaydun inoo ballaqdeen Bahda Allsanaag aniguna si kal iyo laab ah ayaan idiin kaga mahadinayaa mar labaad iyo in ka badan ba. Waxaan tolka reer Maakhir ee ay fursaddan dahabiga ahi u dillaacday iyo gacalka kale ee u damqanaya ka codsanayaa in ay uga faa’iideystaan madal qaladaadka dhacay lagu saxayo oo talooyin qiima leh la iskugu soo jeedinayo. Fadlan aynu anshaxa wanaagsan , is xaq dhowrka si xasaasi leh u ilaalino oo aynu sharafta iyo xushmadda websiteka aad u qaddarinno kol haddii la inoo furay.

    Mahadsanidin Dhammaantiin.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*