26th July 2024  admin  Category :

4 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shir ay yeeshen beesha Dhulbahantaha

iyaasiinta kasoo jeeda Gobalada Sool iyo Cayn ee katirsan Puntland iyo D.F. Soomaaliya, uuna hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Axmed Karaash ayaa maanta Kulan saacado badan qaatay ku yeeshay deegaanka Hadhwanaag (Ex- Garac-laguDhal), hoostagtana Degmada Boocame ee G. Sool.

Kulanka, waxaa looga dooday aayaha gobaladaas, waxa ugu gudboon shirka Wadatashiga, waxaana la ii xaqiijiyey in ay kasoo baxeen aragti mideysan oo ay xubnahaasi geynayaan shirka berri furmaya ahna 5 qodob.

1. In danaha gobalada Beesha Dhulbahante dagto ee wax ka dhistay Puntland ee maqan laga cadeeyo madasha soo celintooda iyo mawqifka dhinacyadii wada dhistay maamulka 1998dii.

2. In ay dhexdhexaad ka noqonayaan Ajendayaasha ama doodaha u dhaxeeya dhammaan beelihii dhistay Puntland, oo aysan cid gaar ah taageero siineyn.

3. In dawladda Federaalka aysan colaad gaar ah u qabin, ayna dhexdhexaad ka yihiin Khilaafka hadda u dhaxeeya X.F.S iyo Madaxtooyada Puntland.

4. In marka uu dhamaado shirka Wadatashiga Garoowe, ka dib ay dhammaan dhinacyadan kasoo jeeda Sool iyo Cayn iskugu yimaadaan shir gaar ah oo ay uga tashanayaan aayahooda.

Ugu danbayn Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa u dhigay gogol 3 Maalmood ah Dadka SSC
Shirka Puntland ka dib

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*