28th March 2024  admin  Category :

Yaa ka danbeeya been abuurka SSB ee Cali Xaraare iyo Yaasiin Ducaale waqtiga badan geliyeen.

By: Cali Maakhiri

Dhowaan waxa Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda ee ay daadihiyaan Cali Xaraare iyo Yaasiin Ducaale laga soo daayey muuqaal loogu gefayo ururka xaq u dirirka ah ee SSB iyo xubnaha ka midka ah ee dhamaantood ka soo jeeda degaanada SSB. Cali iyo Yaasiin waa laga wada dheregsan yahay jacaylka ay u qabaan SNM iyo siyaasiyiintooda iyo inay aaminsan yihiin Xaaladaa Maakhir ay maanta ku sugan tahay in looga bixi karo Kaftan iyo Dhoola cadayn.

Muuqaalkan Ururka xaq u dirirka ah SSB ee maamulka SNM ka qayliyeeen wacyi gelinta ay ka wadaan degaanada Maakhir, sidoo kalena ay soo dhoweeyeen Maamulka Puntland waxqabadkooda iyo horumarkooda maxaa ka run ah:

1- Muuqaalka Sarkaalka SNM ka soo goostay ee coskiisa sida sirta ah loo duubay waxa laga duubay qolka Midnimo Maakhir. Waa been SSB ayaa ka duubtay.

2-Waxa kale oo been ah in SSB si gaar ah u ugaarsato reer Xingalool. Maskaxda SSB ku shaqayso iyo hogaankeeduba waa reer Xingalool.

3- Yaa ka danbeeya Muuqaalka dadka lagu nacsiinayo Ururka xaq u dirirka SSB?

Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, waxa ka socda olole ay wadaan kooxda Reer Maakhir ee SNMta la shaqaysta, kaas oo ay ku doonayaan in mid iyaga ka mid ah oo horay looga saaray ururka SSB uu ka mid noqdo golaha wasiirada Somaliland, waxayna ku doodayaan in wasiirka hadda jooga Somaliland ay beel ka soo wada jeedaan Badhasaabkii iyo Taliyihii goostay. Jaalahan cusubna uu reerkiisa u keenayo Somaliland ayaa ka danbeeya warxumo tashiilnimada sumcadda SSB Laga dilayo ,

Ugu danbayntii Ururka SSB, wuxuu u taagan yahay midnimo Soomaaliyeed, wacyi gelinta bulshada ee la dagaalanka argagixisada weji kasta oo ay leedahay , horumarinta bulshada dhinaca caafimaadka iyo waxbarashada, daryeelka Dan yarta u baahan kaalmada. SSB ma aaminsana in SNM laysu dhiibo, mana aaminsana xaaladda Maakhir ay maanta ku jirto in Mashxarad iyo dhoolacadayn looga Bixi karo. Waa la sii wadayaa difaaca degaanka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*