25th October 2024  admin  Category :

Hay’adda duulista oo dhawaan saartay cunaqabateeyn xagga duulimaadyada ah magaalada Kismaayo, ayaa isku dayeeysa ineey waxba kama jiraan ku tilmaanto cunaqabateeynta lagu soo rogay magaalada Kismaayo. Hase ahaatee, oo kalliya ay aheed in 24 saacadood ka hor ay diyaaradaha soo ogeeysiiyaan hay’adda duulista inta aysan Kismaayo aadin.

Waxaa ognahay in wax diyaarad ah aysan tegin shalay iyo maanta magaalada Kismaayo taas oo ka dhigan in 23 bisha illaa iyo 26 labbaatanka aysan tegi karin wax diyaarad ah magaaladaas.

Su’aasha meesha taagan wax ay tahay, maxaa magaalad Kismaayo oo kalliya loo abaaray? Maxaa loo oran waayey dhamaan diyaaradaha dalka Soomaaliya imanaya waa in ay 24 saacadood ka hor la soo socodsiiyaan hay’adda duulista haddii aysan ka danbeeyn arrimo siyaasadeed?

Hadaba, kooxda Nabad iyo Nolol ayaa in dhawaale waxeey dalka ka wadeen qalqal siyaasadeed, iyagoona ku ciyaaraya caqliga ummadda Soomaaliyeed sidii dad aan waxba kalla oggeeyn oo kalle.

Waxaa dhab ah dhammaad duulimaadyada la xannibay iyo welliba shuruudaha kalle ee daba socoda ay yihiin sidii cadaadis loo saari lahaa maamulka Jubaland, loona geeysan lahaa maamulkaas mid lagu shaqeeysto oo calooshiis u shaqeeysta ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*