18th April 2024  admin  Category :

Soomaaliya oo Qatar kala wareegtay agab loogu talagalay ka hortaga covid-19

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay uga mahadcelinaysaa Dowladda aynu walaalaha nahay ee Qatar deeq agabka caafimaad ee loogu talogalay ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka safmarka ah ee Karoona feyrus, waxa ayna caddaynaysaa inuu xooggan yahay xiriirka labo geesoodka ee labada dal ka dhexeeya.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukumadda federaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawud,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ,Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukumadda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdishi kula wareegay agabkaan looga hortago cudurkaan safmarka ah ee covid-19.

Sidoo diyaaradaan keentay agabkaan caafimaadka ee ka hortaga Karoona Feyruska ayaa waxaa la socday safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale sida lagu qoraalka barta facebook ee Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay dowladda Soomaaliya ka guddoontay 10 tan oo shixnad kaalmo agab caafimaad oo Qatar ay u kala dirtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, kana koobnaa af-xerashada (maaskaro), gacmo gashiga (galoofyo), dharka ilaalinta caafimaadka iyo dareeraha gacmaha lagu nadiifsado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*