26th July 2024  admin  Category :

Soomaaliya oo diiday war-saxaafadeed ay IGAD kasoo saartay xiriirka Itoobiya

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan ku qanacsanayn kana xumaatay war-saxaafadeed kaasoo baxay maanta Xoghayaha Guud ee urur goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu, kaasi oo ugu baaqayey Soomaaliya iyo Itoobiya inay ka wada shaqeeyaan sidii si nabad iyo saaxiibtinnimo ah ugu dhammayn lahaayeen xaaladda kasoo cusboonaatay is-afgaradkii ay gaareen Itoobiya iyo Somaliland.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mowqifkaasi uu ka hooseeyo kii ay filanaysay, oo ahaa in la cambaareeyo xadgudubka Itoobiya ee qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa hadalka xoghayaha guud ee ururka IGAD ku tilmaantay mid dhinac u janjeera.

Dawladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ugu baaqday Gebeyehu inuu raali-gelin ka bixiyo warka kasoo baxay, islamarkaana uu ka laabto.

Warkan kasoo baxay IGAD ayaa Workneh Gebeyehu uu ku sheegay inuu aad uga walaacsan yahay wararka kasoo kordhay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana uu sheegay inuu ururku uu la soconayo.

Dhinaca kalena, Golaha Wasiirrada ee Somaliland aya kadib shir ay yeesheen maanta ku taageeray is-afgaradka ay magaalada Addis Ababa 1-dii bishan Janaayo ku gaareen Dawladda Federalka Itoobiya iyo Somaliland.

Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa ku eedeeyey Dawladda Soomaaliya in go’aanka ay ka qaateen is-afgaradkaasi uu ka horimanayo heshiisyadii ay horey u gaareen Soomaaliya iyo Somaliland.

Dawladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya.

Dhinaca kalena, dawladda Itoobiya ayaa difaacday is-afgaradka ay la gaadhay Somaliland. War-saxaafadeed kasoo baxay dawladda Itoobiya maanta ayey Itoobiya ku sheegtay in is-afagradka ay la gaadhay Somaliland aanay jirin xeerar uu jebinayo.

Sidoo kale La-taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itaoobiya Redwan Xuseen ayaa ku sheegay bartiisa X oo horey loo oran jiray twitter in is-afgaradku yahay “tallaabo loo qaaday jihada saxda ah.”

Waxa uu sheegay in dawladda federaalka Itoobiya is-afgaradka ay la gaadhay Somaliland uu u gogol xaarayo inay Itoobiya hesho saldhig milatari oo ay ka kiraysato Somaliland.

Sidoo kale, waxaa is-afgaradka difaacay Wasiirka Arirmaha Dibedda ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud oo waraysi uu siiyey VOA ku sheegay in is-afaragadku uu dhigayo in Somaliland ay aqoosni ka hesho Itoobiya. Wasiirka ayaa ku eedeeyey Dawladda Soomaaliya inay kasoo horjeedo horumarka Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*