26th July 2024  admin  Category :

Ololaha diblomaasiyadeed ee dawladda Soomaaliya wax ma ka baddali doonaa doonista Itoobiya

Ka dib heshiiska isfahamka ee magalada Addis Ababa ay ku wada gareen dowladda Itoobiya iyo Jamuuriyadda iskeed ugu dhawaaqaday madax banaanida ee Somaliland, kaas oo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay waxba kama jiraan, ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay billowday tallaabooyin diblamaasiyadeed oo dhan ka ah arrinta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Masar Cabdulfitaax Al-Sisi oo ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dal iyo isbedellada gobolka ee u dambeeyay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in labada mas’uul ay xaqiijiyeen “inay ka go’an tahay sare u qaadida xiriirka”, waxayna carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha la wadaago ee gobolka.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo kan gobolka ee danaha labada dal iyo iskaashiga dhow ee labada dal ka dhaxeeya, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi, waxaa wad-hadal ku yeeshay wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) iyo Madaxweynaha Kenya.

“Kenya waxaa ka go’an in ay sare u qaaddo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya ee ku saabsan danaha labada dal, Hadafkayagu waa balaadhinta ganacsiga, xaqiijinta xasiloonida iyo barwaaqada Bariga Afrika” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Kenya .

Wada hadalka dhanka khadka taleefanka ah ayaa ku soo beegmay xilli xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ay cirka isku sii shareertay ka dib markii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen heshiis dhinaca badda ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay waxba kama jiraan ku tilmaantay.

Diblomaasiyadda iyo xaaladda taagan

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Xamad

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday dadaallo diblomaasiyadeed oo ay garab ugu raadinayso inay uga hor tagto doonista badda Itoobiya.

Wasiirka hore ee qorshaynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte, sidoo kalana ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa qaba in dadaalka diblomaasiyadeed ee dowladda Soomaaliya ay billowday uu ahaa mid la filayay balse aan laga sugi karin rajo badano o ku saabsan in arrinta uu hor istago.

“Aduunka maanta aan ku nool nahay wax badan ayaa iska badelay marka anigu ma qabo in codadka ka imaanaya dalalka kale ay wax badan arrinta ka badali karaan, balse taas badelkeeda tallaabooyinka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay qaadaan ayaa noqon doona kuwa dhabta ah “ ayuu yiri Cabdiraxmaan Caynte oo BBC-da u warmay.

Axmed Faarax Iidle oo ah khabiir xariirka caalamiga ah iyo diblomaasiyada ayaa dhankiisa qaba aragti aan ka fogeeyna midda Cabdiraxmaan Caynte waxaana uu sheegay dadaallada diblomaasiyadeed ee dowladda Soomaaliya ee caalmka aysan wax badan ka baddeli doonin heshiiska labada dhinac.

“Tallaabooyinka ay qaadday dowladda Soomaaliya ee ay arrintaan uga hor tagayso waxaa ay ahyed mid la sugayay waana suurtagal in ay wax badasho.

“Sida uu qabo xeerarka caalamiga ah waa in Itoobiya ay ka joogto arrinta, balse haddii aysan Itoobiya danteeda ka arkin waxba iskama baddali doono go’aanka cida kasta oo Soomaaliya ay xariir la sameeyso” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Faarax iidle.

Axmed Faarax iidle waxaa uu sheegay heshiiska uu yahay mid horey loo filayay oo xataa “Mareykanka gadaal ka riixayay balse arrinta dowladda Soomaaliya ay ka xumaatay ay tahay in Itoobiya ay ku badasho aqoonsiga Soomaliland”.

“Dowladda Soomaaliya ayay ahayd tii Itoobiya u saxiixaday in dakadaha Soomaaliya ay maalgashato xilligii Farmaajo wax colaad ahna kama imaan, marka waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya aysan diiddnayn in Itoobiya saldhig la siiyo, laakin ay diiddan tahay in Somaliland ay la macaamisho”.

Saameeynta ka dhallan karta arrinta mustaqabalka

Dekeda Berbera,
Qoraalka sawirka,Dekedda Berbera,

Xeel dheeayaasha ka faallooda arrimaha siyaasaddda ayaa rumeeysan in heshiiska uu sameeyn ku yeelna doona xasiloonida gobolka .

Cabdiraxmaan Caynte waxaa uu BBC-da u sheegay in hadii aan xal laga garin khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ay suurgal tahay in gobolka oo dhan uu saameeyn ku yeesho.

“Wax badan ayaa dhici kara oo xataa dagaal uu ka mid yahay” ayuu yiri Caynte.

Inkastoo uusan jirin xiriir weyn oo dhanka ganacsiga ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya hadda Axmed Faarax iidle waxaa uu qabaa in xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu istaagi doono.

Marka laga yimaado aqoonsiga dowladda Itoobiya u ballan qaaday Somaliland haddana Somaliland ayuu sheegay in laga yaabo in khatar dhanka amniga ah heshiiska uu ku keeno maadaama Itoobiya oo ah dal ka awoodda badan ay saldhig siinayso ayada oo uusan jirin waddan kale oo “ka celin kara hadii ay ku xadgudubto”.

“In Soomaliland ay saldhig Milatiri siiso dowladda Itoobiya ayada oo aqoonsi ku beddelanaysa dhan guul ayay u tahay, dhan kale halis ayay ku tahay, waayo ma haysato dal kale oo ka celiya haddii ay ku xadgudubto sida Jabuuti oo kale oo dalal badan siisay saldhiyo” ayuu yir Axmed Faarax iidle .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*